WararkaWaxbarashada

8 Macluumaad oo Aadan Ka Ogeyn Robert Oppenheime “Aabaha Nukliyeer Bamka”

Caalimka Fisikiska ee Robert Oppenheime oo lagu naaneyso aabaha “Nukliyeerka Bamb-ka”, waa physicist yahan u dhashay dalka Mareykan, waxa uu macallin ka ahaa Jaamacadda California Berkeley, waxa uu soo qabtay xilka maamulaha mashruuca Manhattan Project oo lagu soo saarayay hubka Nukliyeerka dagaalkii Labaad ee adduunka.

Hadaba, halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa 8macluumaad ku saabsan Oppenheimer:

  1. Magaciisa oo dhammeystiran waa J. Robert Oppenheimer.
  2. Waxa uu ku dhashay magaalada New York, April 22, 1904.
  3. Xilligii lasoo saaray hubka Nukliyeerka waxa uu madax ka ahaa shaybaarka Los Alamos Laboratory.
  4. Markii uu dagaalku ka bilowday Poland sanadkii 1939 oo ay Jarmalku qaadeen bilowgii dagaalkii Labaad ee adduunka, ayaa loo doortay inuu madax ka noqdo shaybaarka si uu u fuliyo mashruuca Manhattan ee sameynta hubka Nukliyeerka, waana barnaamijkii lagu soo saaray haubkii ugu horreeyay ee Nukliyeer ah oo dalka Mareykanku uu yeesho.
  5. Markii uu arkay awoodda wax burburineed ee Bamka ayuu diiday inuu sii horumariyo, isla sanadkiina xilkii uu hayay ayuu iska casilay.
  6. Waxa uu ku guuleystay abaalmarinta “Enrico Fermi” sanadkii 1963 waxaana guddoonsiiyay madaxweynihii xilligaas ee Lyndon Johnson.
  7. Sannooyinkii ugu dambeeyay ee noloshiisa waxa uu sii wada shaqeyn la lahaa ururka caalamiga ah ee xakameynta hubka Nukliyeerka.
  8. Waxa uu u geeriyooday kansarka dhuunta iyadoo da’diisu ay sii cagagacaynasyo 62-jir, Princeton, gobolka New Jersey ee gudaha dalka Mareykanka.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close