WararkaWaxbarashada

Dhaqan Sanadle ah.. Erdogan & Yildirim oo Xilalkooda Uga Dagay Wiil iyo Gabar Arday Ah

Madaxweynaah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kumeel gaar ah uga dagay kursiga madaxtinimada dalkiisa, waxaa ku fariistay Fatih Mintas oo da’diisu tahay 12-sano jir, munaasabadda “Ciidda Caruurta iyo Qarimadda Turkiga” oo ku aadaneyd April 23, darteed.

Ra’isul-wasaaraha Binali Yildirim ayaa dhankiisa kursiga uga dagay Asma oo ah adayad 11-jir ah oo dhigata dugsiga hoose ee caasimadda Ankara.

Erdogan oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa waxa uu yiri: “Sida aad ogtihiin xilkan waa kumeelgaar ee ma aha mid rasmi ah, maantana waxaan idiin soo bandhigaynaa madaxweyne Fatih.”

Waxa uu madaxweynuhu carrabka ku adkeeyey in xilliyada soo aaddan yoolkoodu uu yahay in la barbaariyo jiil waxtar iyo tayo goonni ah leh.

Turkiga ayaa April 23, sanad kasta looga dabaaldagaa “Ciidda maalinta caruurta iyo Qarannimada” oo isasaaran, waana taariikhdii aasaaska ugu horreeyay loo dhigay Jamhuuriyadda Turkiga, golaha Baarlaaanka waxaa la furay sanadkii 1920-kii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close