arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Ka Cabaneysa In Dambiile oo Kale Loola Dhaqmay Airport Mareykanka ah.. “Tufaax” Dartii!

 

Haweenay safar ahayd oo dalka Mareykanka ku guryo noqotay ayaa shaqaalaha kastamka ay ku ganaaxeen $500 kadib markii boorsadeeda laga helay hal-xabo oo tufaax oo diyaaradda laga soo siiyay.

Jariidada “usatoday” ayaa sheegtay in Crystal Tadlock ay ka soo guryo noqotay Paris, waxay boorsadeeda gacanta ku xafidatay tufaax diyaaradda laga siiyay si ay u cunto inta safarka ay ku guda jirto.

Shaqaalaha kastamka ayey waydiisay miyaan cunaa mise waan iska tuuraa, laakiin waxa ay ku adkaysteen iney bixiso $500 oo ganaax ah.

Haweenaydan ayaa sheegtay iney dacwad ka gudbin doonto shaqalaaha iyo hay’adda kastamka guud ahaan, “Nasiir-darro waxa ah inuu qofku waxyaabahaas oo dhan uu maro loolana dhaqmo sidii qof dambiile ah oo kale sababtuna ay tahay xabad tufaax ah.”

Afhayeen u hadlay shirkadda Delta Air Lines oo ahayd shirkaddii duulimaadka ee haweenaydan ay la socotay, ayaa diiday  inuu dhacdadan ka hadlo, laakiin shirkaddu bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay “Waxaan ka codsaneynaa dhammaan macaamiisheenna iney lagama maarmaan tahay iney ilaaliyaan shuruucda Wakaaladda Kastamka iyo ilaalinta xuduudaha Maryeknaka.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close