arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shiinaha: Ganaaxa Waddooyinka oo “Like” Lagu Bixinayo Bedelkii Lacagta!

Taraafikada magaalada Dazhuou ee gobolka Sichuan ee gudaha Shiinaha ayaa ogolaatay in dadka ganaaxa waddo marista ay ku bixiyaan 20 like oo ay soo jiitaan, kadib markii cudaddaarkooda lagu faafinayo Inernet-ka.

Taraafikada waddooyinka ee magaalada Dazhuou ayaa hindisay qaab cusub oo ay dadku ganaaxa waddooyinka ku bixiyaan, laakiin waxaa ka faa’idaysan kara dadka dambiyada yaryar ee waddooyinka gala ee socotada ah, baaskiiladleyda iyo mootooyinka dadka wata.

Sida uu sheegay website-ka “Weibo” ee Shiinaha laga leeyahay, qaabkan cusub waxaa ka faa’idaystay ilaa hadda 10 qof, dadkan ayaa laga duubay muuqaal cudaddaar ah, kadib waxaa laga rabaa iney soo jiitaan labaatan qof oo la falgasha oo “Like” siisa, markaa waxaa meesha ka baxaya dambigii loo haystay iyo ganaaxii lagu soo dallacay.

Qof dadkaa ka mid ahaa ayaa waxa uu internet-ka soo dhigay: “Waxaan khilaafay sharcigii wadada, waxaan ogaaday inaan khaldamay kadib markii ay Boolisku ii sharraxeen. Waxaan u cudaddaaranayaa si dadka Internet-ka isticmaalaa aaney u khilaafin shuruucda waddooyinka, xitaa haddii ay baaskiilad wataan.”, qof kan ayaa waxa uu helay 28 “Like” oo ay dakii qoraalkiisa arkay ay siiyeen, sidaa darteed waxa uu bixiyay ganaaxii laga rabay!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close