WararkaWaxbarashada

Sirta Xiriirka Ka Dhaxeeya Meeraha “Uranus” iyo Ukunta Xumaata

Daahrog cusub oo muhiimaddiisa leh ayaa lagu ogaaday in Meeraha Uranus  urtiisu ay shabahdo urta ukun xumaatay ee fuuntada noqota.

Cilmi-baarayaasha ayaa sababta urta meerahan u aaneynaya neefta hydrogen sulfide(H2S), waana isla cunsurka ukunta xumaatada ee fuuntada noqota siiya urta goonnida ah ee aan loo adkeysan karin.

Patrick Irwin oo ka tirsan Jaamacadda Oxford kana mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee meerahan urtiisa daahrogay ayaa yiri: “Shakhsi kasta oo nasiib xun oo qadarku uu geeyo dusha sare ee daruurta meeraha Uranus, waxaa sugaysa xaalad aan wanaagsaneyn.”, isagoo markaa ka dayrinaya qofkaas qarmuunka uu sankiisa saari doono ah mid aan loo adkaysan karin.

Waxa uu intaa sii raaciyay meeraha Uranus urtiisu ma aha waxa ugu xun ee laga dhex heli karo, jawigiisa guud ayaa ah mid ka kooban; Hydrogen, helium iyo methane; Heerkulkiisu waxa uu gaarayaa 200oC, taas oo keenaysa inuu qofku ku neef-qabatoobo.

Meeraha Uranus sababta hydrogen sulfide H2S ay ugu sameysantay jawigiisa sare ayaa waxaa ka mid ah; booska uu ku yaallo iyo heerkulkiisa, waa sida uu leeyahay Fletcher oo xubin ka ahaa kooxda cilmi-baarista kana tirsan Jaamacadda Leicester, kuna takhasusay Physics iyo Astronomy.

Maandeeq FM

Related Articles

Close