arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Mar Kale Ma Kaftamayo”.. Aroosad Turkey ah oo Kaftan Ka Soo Yeeray Dartii Lagu Kala Dareeray Guurkeeda

Kadib markii ay xiriir Jacayl dhisaysay 9sano, mudadaasna ay u diyaar garoobayeen aroos ay ilyartu isqabato oo qiimo badan, ayaa waxay doontay iney ku kaftanto jacaylkeeda habeenkii arooska, laakiin kaftankeeda ayaa raad aan wanaagsaneyn u keenay oo gebi ahaanba hakiyay arooskeedii oo si wanaagsan loogu soo diyaargaroobay.

Waxay fadhiyeen miiska nikaaxa si halkaa looga bilaabo arooska oo waxwalba ay u diyaar sanaayeen, mas’uulkii dowladda ee nikaaxa u xilsaarnaa ayaa Hatice(Khadiija) waydiiyay “Ma aqbaleysaaa Turgut Dincer inuu ninkaaga noqdo?”, waxay ku jawabtay Hatice Kosman iyadoo qoslaysa “Maya..Suuraggal maaha”, kadib si degdeg ah ayey uga laabatay oo waxay tiri “Dabcan haa, waan aqbalayaa”.

Jawaabtii ay bixisay ayaa keentay in arooskii lagu kala dareero, iyadoo dadalaal kasta oo la isku dayay in wadaadka lagu  qanciyo ay suuraggal noqon weyday, wixii intaa ka dambeeyay goobtii uu nikaaxu ka dhacayay waa lagu kala dareeray.

Ali Akça oo ah mas’uulka nikaaxa magaalada yar ee Turgutlu ee gudaha Turkiga ayaa yiri: “Ma aaney ahayn iney arrintaasi dhacdo, mid wanaagsan ma aaney ahayn, waxaan dhageysannaa waa erayga koowaad ee afka ka soo baxa”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Haddii miiska nikaaxa maya laga yiraahdo macnuhu waa maya, xitaa haddii Kun jeer oo ogolaanshiyo ah ay ka dambeyso, waxaan nahay sida garsoore oo kale; waxaa waajib ah inaan maqalno jawaab kooban oo aan madmadow ku jirin.”

Qaraabadii iyo asxaabtii arooska lagu marti qaaday oo tiradoodu gaareysay 60 qof  ayaa isku dayay iney qaaligii qanciyaan, laakiin isku day kasta oo ay sameeyeen way ku guuldarreysteen.

Lamaanahan ayaa tilmaamay iney mar kale dib ugu noqon doonaan xarunta nikaaxa dowladda hoose si ay waqti kale uga dhigtaan guurkooda.

Aroosaddii shalaytadu ku dambeysay ayaa warbaahinta u sheegtay : “Dareen kaygu ma wanaagsana, waxaan doonayay inaan kaftamo oo kaliya, waxaan qabsan doonaa xilli kale si uu aroosku u hirgalo, weligay dambe kaftan noocaan oo kale ah afkayga ma soo mari doono.” Ayey ku calaacashay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close