CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

War Farxad Badan… Hiletaanka Daawo Kama Dambeys ah oo Lagula Dagaallamo “Cancer-ka” oo Si Aad ah Loogu Dhawaaday

 

Waxaa la dhihi karaa waa warkii ugu farxadda badan adduunka ee sanadkan, erayadana ayaa lagu bilaabay warbixin cilmiyeed cusub oo ay dhici karto iney horseeddo helidda daawadii lagula dagaalami lahaa cudurka casriga ee “Cancer-ka”.

Daraasaddan oo lagu faafiyay Joornaalka “Nuture” ee dalka Mareykanka laga leeyahay, ayaa 4 caalim oo ka tirsan markaska Kangerron Center ee Genetics-ka ee hoos taga mac’hadka Grafan ee dalka Australia, ayaa helay qaab cusub oo DNA leedahay oo noocyadii hore loo yaqaannay ka duwan, waxay ka dhex heleen gudaha unugyada aadanaha.

Khubaradan ayaa tilmaamay in daahroggan cusubi yahay “Guul dhanka cilmiga ah oo soo hoyatay”, waa DNA ugu horreeyasay ee muuqaalkan cusub leh, suuraggal ka-dhigaysa  iney la midowdo unug kasta oo kale, xitaa haddii uu yahay mid cancer ah.

Professor Daniel Christ, oo daraasaddan ka qayb ahaa ayaa yiri: “Daahroggan waxa uu noqon karaa daliil cad suuraggal-nimada in unugyada jirka la bedeli karo, kuwaas oo duruufo kala duwan oo physiological ah ku sugan.”

Daarasaddan ayaa lagu caddeeyay in daahrogga genetic-ga laga helay u yahay mid ka meesha ka saaraya dhammaan unugyada cancer-ka, waxa uu u bedelayaa proteins; isagoo la midaabaya kana soo saaraya proteins aan dhibaato u lahayn jirka.

Si aad u akhriso Daraasadda oo dhameystiran halka guji

Maandeeq FM

Related Articles

Close