JaamacadahaWararkaWaxbarashada

7-Faa’iido oo Laga Helo Akhriska Codka Dheer… Waaddo Sahlan oo Akhriska Ka Dhigeysa Mid Wax Tar Leh oo Aad u Faa’iido Badan

Waxaa lagu kala duwan caadooyinka dhanka wax akhriska, waxaa jira dad xoogga saara akhriska aamusan, halka kuwo kale ay cod dheer wax ku akhiryaan oo ay aaminsan yihiin in sidaasi ay tahay wadada ugu wanaagsan ee wax loo akhriyo.

Alain Sotto iyo Varinia Oberto oo 25-sano ku dhex jiray caruur, waalidiin iyo macallimiinna, ayaa waxay qoreen buugga la yiraahdo “Donner l’envie d’apprendre” oo ay kaga hadleen khibraddooda mudada dheer, waxay baaritaan ku sameeyeen ardayda xilliga xiisadda yeeriska, waxay ka cosadeen in koox ka tirsan ardayda ay cod dheer ku akhriyaan waxa ay qoarayaan halka kuwa kalena ay si aamusnaana wax ku yeersaneyeen, waxaa la arkay in ardayda cod dheer wax ku akhrineysa ay ka khaldaad yaraayeen kuwii kale ee asaaggooda ahaa.

Arrintan ayaa keenaysa inaan iswaydiinno muhiimadda akhriska codka dheer uu leeyahay iyo sida aan uga faa’idaysan karno muraajacada iyo dib ugu noqoshada casharada.

 Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 7-faaiido ee laga dhaxlo akhriska codka dheer oo xiriir la leh aqoonta iyo wax akhriska:

  1. Focusing-ka Baraarugga oo aan kaa lumayn

Akhriska codka dheer waxa uu kaa garab siinayaa inaad ku baraarug-sanaato wax aad akhrinayso oo aan marnaba fikirkaagu aanuu kala tagaynin, gaar ahaan maaddooyinka, Suugaanta, Taariikhda, Falsafadda, Qaanuunka iyo kuwo kale.

  1. Khaladka oo aad si fudud u dareemi karto

Inta badan waxaa jira khaladaadka oo aan tirsi lahayn oo aan akhriska aamisan lagu soo saari karin, sababtuna waa farqi weyn oo aan u dhaxayn shakhliga iyo qoraalka.

  1. Akhriskaaga oo faa’iido labaad yeelanaya

Marka aad cod dheer wax ku akhriso waxay dhagtaadu qabaneyso erayo cusub, markaa wax akhriskii waxa uu noqonayaa waddo kale oo aad aqoontaada ku kobciso oo wax lagaga kororsado.

  1. Janal cusub oo aad ku soo Kordhineyso akhriskaaga

In dhagta lagu soo daro akhriska oo markii hore ku koobnaa howl maskaxeed oo qura, waxaa tallaabo garab siineysa akhriska oo sidii hore ka sii wanaagsanaanaya.

  1. Naqdiinka iyo qiimeynta soo koobyada oo kuu fududaanaya

Marka aad soo koobto darsiga oo aad cod dheer ku akhriso, waxaa si fudud ku qiimeyn kartaa, soo koobiddii aad sameysay tayadadeeda,  waxay kaa garab siineysaa qiimeynta silsilad maangal ah oo isku xir u ah afkaartaada.

  1. Layliga habka khudbooyinka loosoo jeediyo oo aad helayso

Akhriska codka dheer waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay layliga sida ugu wanaagsan ee khudbooyinka loo jeediyo oo ah waddo aad marka hore naftaada ku laylineyso khudbooyinka,  si wanaagsan oo la fahmi karo ma u khudbeyn kartaa?  cod aan la fahmeyn oo hooseeya miyaad leedahay? Erayada ma siineysaa waqti ku filan si xasilooni leh oo aad u heersarreysa ma ugu dhawaaqeysaa.

  1. Aragtida iyo Hal-abuurka qofka oo kordhaya

In cod dheer wax lagu akhriyo waxay kor u qaaddaa aragtida iyo hal-abuurka qofka, waxa uu qofku isticmaali karaa awoodihiisa hal-abuur gaar ahaan maaddooyinka Taariikhda, suugaanta iyo falsafadda.

Si kastaba, waxyaabihii aan horey u soo sheegnay, waxaan ka go’aamin karnaa in akhriska codka dheer uu ka mid yahay waddooyinka kor loogu qaado tayada wax akhriska, si fudud ayaad wax ugu fahmi kartaa oo aad u heer sarreysa, waana wadada ay raaci jireen macallimiinta dugsiga Qur’aanka Muddooyinkii hore, guulaheedana horey loosoo arkay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close