WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Hargeysa oo Markii Ugu Horreysay Lagu Soo Kordhiyay Kulliyadda “Cilmiga Saxaafadda”

Jaamacadda Hargeysa ayaa markii ugu horreysay lagu soo kordhiyay kulyadda Barashada Cilmiga Saxaafadda, dhaqaalaha lagu bilaabay kulyaddan ayaa waxaa muddo sanad ah sii shubay oo bixiyey dowladda UK, gaar ahaan Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Kulyaddan cusub ayaa lagu bilaabay 28 ardey oo ah saxafiyiin ka shaqeeya magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Siciid Muxumed Jibriil oo ah guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda ayaa Goobjoog [Bahwadaagta Maandeeq FM] uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay in la bilaabo Kulyaddan cusub ee lagu baran doono cilmiga Warbaahinta:

“Qorshaheennu waxa uu ahaa in mar un aan bilowno, weliba sida ugu dhakhsiyaha badan inaan ku bilowno cilmiga warbaahinta, sanadkaan ayaan bilownnay waana ku guuleysannay“, ayuu yiri Siciid.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA” ayaa iyagu dhankooda waxay kaalin muuqata ku lahaayeen in la yegleelo kulyadda barshada Cilmiga Warbaahinta ee lagu soo kordhiyey Jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Cabdi Jaamac ‘Xuutow’ oo ah guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlaya kuliyaddan cusub iyo muhiimadda ay leedahay, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Saxaafadda Somaliland waxay soo martay heerar kala duwan oo qaraar, waxay ka mid ahayd dalkaan hay’adihii ugu horreeyay ee bilaabay adeegga, sidaad oo ay tahay marna ma aysan helin in xukuumadihii kala duwanaa ay mas’uuliyad iska saaraan”.

Si kastaba, wariyeyaashii Jaamacadda lagu bilaabay oo qaarkood aan makarafoonka la dhexmarnay ayaa aaminsan iney waxtar badan u leedahay iney helaan fursad noocan oo kale ah oo ay ku kobcinayaan aqoontooda, ayna u kaashanayaan mihnadooda ay markii horeba ku shaqaysanayeen.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close