WararkaWaxbarashada

Rasmi… “Shukulaatadu” Waa Furaha Sareedada & Farxadda Nolosha

 

Koox cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Loma Linda ee dalka Mareykanka ayaa ogaaday in shukulaatada madow ee cacao ku badan yahay ay wax ka bedeli karto heerka daalka, dareenka iyo xasuusta qofka.

Sida ay qortay Jariidada “The Times“, kooxdan cilmi-baarayaasha ah ayaa tilmaamay in faa’iidadu ay soo muuqatay kadib markii qofku qaatay  gobol yar oo shukulaatada cacao-ga ku badan yahay oo uu gaarsiisan yahay 70%.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen maskaxda 5 qof, Labo Saacadood iyo Bar Kadib markii ay qaateen 48gram oo Shukulaato ah.

Waxay heleen calaamado  tusinaya isbedellada maskaxda marka uu qof uu galo fakar xeeldheer, waxaa kordhay shaqada maskaxda, taas oo la aaminsan yahay iney xasuusta xoojineyso.

Lee Burke oo ah khabiirkii hoggaaminayay cilmi-baarista isla markaana ah Dean-ka arrimaha cilmi-baarista ee Jaamacadda Loma Linda, ayaa waxa uu sheegay in dadkii daraasadda ka qaybqaatay la siiyay qayb shukulaato oo 48gram ah bilowgii tijaabooyinka, kadib waxaa gobol shukulaatada ka mid ah la siinayay Laba saacadood ka dib, dadkii daraasadda ka qaybqaatay dhowr maalmood ayay soo jeedeen.

Burke waxa uu caddeeyay in baaritaannadii dhiigga lagu sameeyay lagu ogaaday inuu jiro shaqooyin dhanka Genetics-ka ah oo ka dhasahay saameynta shukulaatada, waxaa kooxda Burke sidoo kale  laga sugayaa, cilmi-baaris kale oo ku aaddan sida maskaxdu ula falgasho cunista shukulaatada.

Waxaa xusid mudan, in daraasaadka qaarkood ee loo soo gudbiyay Kulanka sanadlaha ah ee tijaabooyinka biology-ga 2018 ee ka dhacay magaalada San Diego ee gudaha dalka Mareykanka, ay isku xireen qaadashada shukulaatada iyo howlgalka wanaagsan ee habdhiska difaaca jirka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close