WararkaWaxbarashada

Shiinaha oo 7 Arday Lagu Dilay

7 arday ayaa geeriyootay halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerar middi loo adeegsaday gobolka Shaanxi ee gudaha dalka Shiinaha.

Ardaydan oo 19 qof ka koobneyd ayaa weerarku uu qabsaday xilli ay ka soo laabteen iskuulkooda oo ku yaalla magalaada Mizhi guryahoodana ay ku sii jeedeen.

Wakaaladda Wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in la qabtay qof looga shaki san yahay inuu weerarkan ka dambeeyay.

Jariidada China Daily ayaa sheegtay in ardaydii dhibaatadu soo gaartay ay ka koobnaayeen 9 gabadhood iyo 3 wiil.

Eedaysanaha la qabtay ayaa la tilmaamayaa inuu ahaa arday hore u dhigan jiray Iskuulka No 3 oo laguna naaneyso Zhao.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay weerarro midiyo loo adeegsado, sanadkii 2014, waxaa 5 qof lagu dilay midiyo inta aaney booliska rasaas ku dilin ninkii weerarka gaystay. 7 qof ayaa sidoo kale geeriyootay kadib markii labo nin ay toorrey ku weerareen dad badan oo ku dhaqnaa magaalada Xinjiang sanadkii 2011.

Labo sano ka hor, waxaa middi lagu weeraray 10 caruur ah oo dhigata iskuulka ku yaalla magaalada Haikou, gobolka Jasiiradda Hainan ee koonfurta Shiinaha.

February sanadkan, ayaa haweenay ay dhimatay, 12 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerar middi loo adeegsaday oo ka dhacay xarun ganacsi oo ay dadku aad uga adeegtaan gudaha magaalada Beijing.

Maandeeq FM

Related Articles

Close