WararkaWaxbarashada

Dadka Si Awood Leh Ma u Salaantaa… Waxay u Badan Tahay Inaad Xilli Dhow Guursaneyso!

 

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Columbia ayaa helay in ragga salaantooda gacanta ay xooggan tahay  iney si dhakhsiyo ah u galaan  xiriir guur.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee gudaha UK ka soo baxda, daraasaddan ayaa waxaa gaaray koox cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Columbia, waxaa lagu baaray xogta 5 kun oo qof, waxaana lagu ogaaday in dumarka ay u iishaan guurka ragga salaantooda gacanta ay xooggan tahay.

Khubaradan ayaa daahrogay, mar kasta oo salaanta gacanta ay xooggan tahay in qofkaa ragga ah uu guurkiisa soo degdego, dumarku se sidaas lama mid aha.

Waxaa horey loo ogaa in salaanta gacanta ee xooggan ay ahayd muddo dheer qiyaasta caafimaadka qofka, waxaa la isku xiraa salaanta xoogga iyo caafimaadka wadnaha ee wanaagsan.

Daraasaddan cusub waxayna noqotay daraasaddii ugu horreysay ee isku xirta salaanta gacanta iyo guurka.

Dr Vegard Skirbekk oo ahaa qofkii soo alifay daraasaddan ayaa yiri: “Natiijada aan gaarnay waxay ku tusineysaa in dumarku ay u iishaan oo ay ka helaan guurka ragga ay ku arkaan awood iyo firfircoonida.”

Dr, waxa uu ku baaqayaa in si gaar ah la iskaga eego gacan qabashada daciifka ah oo laga dheehan karo in caafimaadka qofka uu liito.

Maandeeq FM

Related Articles

Close