WararkaWaxbarashada

Ha Loo Diyaar Garoobo.. Bill Gets: Waxaa Soo Fool Leh Cudur Galaafan Doona Nolosha 30 Milyan oo Qof Lix Bilood Gudahood!

Haddii uu jiro shay aan ka baran karno taariikhda, waa cudur cusub oo nagu soo fool leh oo dilaa ah dunida oo dhanna ku faafi doona, waxaana dhici karta inuu soo baxo 10-sano ee soo aadan, arrintaana uma diyaarsanin, ayuu yiri; . Bill Gets.

Aasaasaha shirkadda Microsoft ahna ninka Labaad ee dunida ugu taajirsan Bill Gets ayaa ka qaybgalay dood ku saabsan dhanka cudurrada faafa Jimcihii April 27, 2018 oo ay si wadajir ah u martigelyeen Jamciyadda Massachusetts Medical Society iyo Joornaalka New England Journal of Medicine.

Sida uu qoray wargeyska “Businessinsider“, Bill Gets ayaa sheegay in caado ahaan uu yahay qof yididiilo badan oo aan xumaanta saadaalin inta badan, dadka waxa uu xasuusiyay in horumar laga sameeyay dhanka la dagaallanka cudurrada qaar sida; cudurka dabaysha oo caruurta laga tallaalo meelo badan oo dunid ka tirsanna laga tirtiray iyo duumada oo weli dagaal xooggan lagula jiro, iyadoo arrintaasi ay jirto “Waxaa jira meel kaliya oo aan weli laga gaarin horumar ballaaran, waana u toog’haynta u diyaar garowga cudurro faafa.”

Suuraggal-nimada In Cudur lagu hoobto uu dunida ka dillaaco

Waxaa sii kordhaysa suuraggal-nimada in uu dillaaco cudur lagu hoobto, waxaa soo muuqda dhammaan astaamaha keeni kara oo ay ka mid tahay; kororka dadka adduunka, baaba’a deegaanka ku socda, waxaa sahalan in cudur dilaa ah si fudud lagu abuuro oo qof ama dad gaar ah ay dunida ku faafiyaan, cudurro ay suuraggal tahay in sidii hubka oo kale loo adeegsado oo dunida oo dhan lagu weeraro.

Waxaa dhici karta in cudurka laga yaabo inuu si lama filaan ah ku faafo, uuna noqdo mid aan horey loo arkin, sidii horey u dhacday sanadkii 1918 oo virus uu sababsaday nolosha 50-milyan oo qof.

Suuraggal ma tahay in virus lagu sameeyo computer

Sida ay qortay Jariidada Washington Post, Gets waxa uu ka digay “Cudurka dilaaga ah ee soo aaddan inuu noqon karo mid shaashadda computer-ka laga abuuro, sida; isku day argagixiso oo ku saabsan nuskhad cudurka Furuqa ah ama hargabka shimbiraha oo si weyn wax u gumaada.”

Maalgelinta Daawooyinka

Gets waxa uu ammaanay isbahaysi caalami ah oo sanadkii hore samaysmay oo la yiraahdo “CEPI”, si loo sameeyo tallaalo cusub oo dhanka cudurrada faafa ah, waa sida ay sheegeyso jariidada Washington Post.

Si kastaba, arrinka yididiilada leh ayaa ah in la dhigay asaaskii ugu horreeyay ee la dagaallanka cudurrada mustaqbalka wax gumaada. Isbuucan cilmi-baaris lagu faafiyay jariidada Science ayaa sheegaysa in la hormariyay waddo cusub oo lagu bedeli karo genetic “Crispr”, si fududna loogu ogaan karo nooca cudurka uu qofku qabo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close