CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

3 Tallaabo oo Hordhac Ah oo Lagu Badbaadin Karo Bukaanka Uu Istrooggu Ku Dhufto

Stroke waxa uu dhibaato weyn gaarsiiyaa unugyada dareenka maskaxda aadanaha, waxaana keena carqalad xooggan oo ku timaadda wareegga dhiigga oo habkii dabiiciga ahaa u socon waaya.

Sida ay Khubarada caafimaadku tilmaamayaan stroke-maskaxda ku dhugftaa waxa uu keenaa in oxygen-ku uu ku yaraado, taas oo dhankeeda keenaysa in qofka Paralysis uu noqdo, hadalka iyo aragtiduna ay ku adkaadaan.

Waxaa dhakhaatiitu sheegayaa iney jiraan 3-saacadood oo bukaanka gurmad degdeg ah loogu fidin karo noloshiisana khatar dhab ah looga badbaadin karo, waxaad qaadaysaa saddex tallaabood oo faa’iidooyinkooda gadaal uga soo baxayso bukaanka.

Saddexda Tallaabood ee Muhiimk Ah

Tallaabada Koowaad| Fahamka xaaladda sida ay wax u jiraan

Inaad fahamto xalaaladda bukaanka waxa haystaa ma Stroke-baa mise waa wax kale, waa tallaabada koowaad ee aad ku garabsiin karto, adigoo eegaya calaamadahan oo kaaga muuqanaya:

1- Qofka Stroke ku dhacay ma qosli karo, si kasta oo uu iskugu dayo.

2- Jumlad aad ku tiri si la fahmi karo uguma soo celinkaro.

3- Qofka uu Stroke hayo gacmiihiisa si siman kor uguma qaadi karo.

Tallaabada Labaad|U yeer Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah

Markii aad aragto qaar ka mid ah astaamaha stroke isla markiiba la xiriir gaadiidka gurmadka degdegga ah, astaamaha aad arkayso waxaa ka mid ah; madax xanuun daran, dawakhaad, indho madoobaad, yalaalugo, qofka oo dadka kale fahmi waaya, dheelli-tiranka oo ka luma.

Tallaabada Saddexaad|Bukaanka Adiguba Garabsii

Waxaad u dhigtaa barkin si uu hawo wanaagsan u helo, shaarka uu wato badhamada ka fur, surwaalka uu xiran yahay suunka ka fur, isku day inaad afkiisa ka nadiifiso haddii aad wax wasakh ah ama dhareer ku aragto.

Waxaa xusud mudan, dhakhaatiirka khubarada ah waxay leeyihiin in qofka garab loo fidiyo waqtiga ku habboon, waxay yareeysa khatarta bukaanka, waxayna ka badbaadisaa geeri hubaal ah inta uu uga imaanayo gaadiida gurmadka degdegga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close