WararkaWaxbarashada

Hal-xabbo oo Durian Xumaaday Ah oo Xaalad Fowdo Ah & Isku Dhexyaac Geliyay Jaamacadda Melbourne oo Laga Daadguryeeyay 500 oo Arday

Jaamacadda Melbourne ee gudaha dalka Australia ayaa laga daadgureeyay 500 oo arday oo wax ka baraneysay gudaha Jaamacadda, waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah kadib markii ay jaamacadda ku faaftay urta fuit-ka”Durian”, waxay u qaateen in tuubbooyinkii gaaska ay qaarkood sii daynayaan.

Waxaase markii dambe caddaatay in waxa urayay uu ahaa miraha geedka Durian oo khaanad lagu illoobay maktabadda mac’hadka teknolojiyadda. Durian ayaa lagu yaqaanna ur adag iyo dhadhan macaan, waxayna bahwadaag yihiin canuuniga oo ay is shabahaan.

Kooxdii dabdamiska ee goobta Jaamacadda soo gaartay ayaa sheegay in urta fruit-kan uu ku faafay dhanka mukayifka Jaamcadda, waxay tilmaameen in ardayda dib loogu furay Jamaacadda.

Ardayda ayaa hor uriyay waxa ay u qaateen urta gaas meel ka neefsaneysa daqiiqad kasta iney qaraxdo la filan karo, ardayda oo dhan ayaa boolisku dibadda u daadgureeyay.

Kooxda dabdamiska ayaa sheegay in dhismaha Jaamacadda ay yaalleen maaddooyin Kiimiko ah oo xilli kasta qarxi kara, waa arrinta ka dhigtay xaqiijinta halka ay urtu ka soo baxayso iney tahay mid daruuri ah.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close