WararkaWaxbarashada

Nolosheenna Khatar ayay Ku Jirtaa… Aasaasaha “Google” oo Ka Digaya “Dhinaca Madow” ee Garaadka Artificial-ka Ah

Aasaasaha shirkadda Google “Sergey Brin” ayaa ka digay khatarta aaladaha Smarts-ka ah ee casrigan aan ku jirno ee “Kacdoonka Teknolajiyadda”.

Sida ay qortay jariidada “The Verge“, Brin waxa uu yiri, xaaladda aan hadda ku jirno ee tartanka garaadka Smarts-ka ah waxa uu abuuray “Kacdoonka Teknolajiyadda”, waxaa ku jira waxyaabo badan oo khatar ku ah aadanaha.

Brin ayaa digniintan ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee saamileyda shrikadda oo Jimcihii lasoo dhaafay qabsoomay.

Brin waxa uu leeyahay: “Guga cusub ee garaadka artificial-ka ah oo horumarka ugu muhiimsan ee computer-ka laga gaaray. Bil kasta waxaa soo kordhaya barnaamijyo cusub oo cajiiba ah iyo teknolojiyad cusub, qalabkaa xoogga badan waxa uu waataa wax laga shakin karo iyo mas’uuliyad cusub.”

Farriinta Brin ayaa imaaneysa waqti shirkadaha waaweyn ee “Dooxada Silicon” farta lagu fiiqayo sida ay ugu xadgudbaan xogaha dadka barahooda isticmaala.

Si kastaba, cabsida laga qabo garaadka smarts-ka ah ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaa laga cabsanayaa iney dadbadan shaqo la’aan dhigaan, siyaasadda loo adeegsado, waxaana hadda bilowday doodo la isku dayayo in lagu xakameeyo saameynta sii kordhaysa ee shirkadaha teknolojiyadda.

https://twitter.com/HedvigSnow/status/990620498005495808

Maandeeq FM

Related Articles

Close