TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Waa Kan Muuqaalkii Ugu Horreeyay ee YouTube Lasoo Dhigo 13-sano Ka Hor

Bogga “YouTube” ee caanka ah ayaa muuqaalkiisii ugu horreeyay lasoo dhigay 13-sano ka hor, sannooyin kadib waxa uu noqday barta ugu caansan adduunka ee baahinta muuqaallada.

April 23, 2015, ayaa wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Jawed Karim oo ka mid ahaa aasaasayaashii YouTube uu baahiyay muuqaalkiisii ugu horreeyay, video gaaban oo 18-ilbiriqsi ah oo laga soo duubay gudaha beer xayawaanka lagu xanaaneeyo ayaa noqday muuqaalkii ugu horreeyay ee barta lasoo dhigo, muuqaalkan ayaa waxa uu wataa magaca “Me at the zoo”.

 

YouTube waxaa aasaasay 3 shaqaale ah oo horey uga tirsanaa shirkadda PayPal oo la kala yiraahdo; Chad Hurley, Steve Chen iyo Jawed Karim, bishii February 14, 2005.

October 2016, ayaa shirkadda Google ku dhawaaqday iney iibsatay barta oo ay ka bixisay $1.65 billion oo dolar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close