WararkaWaxbarashada

5 Tallaabo oo Fudud oo 10-sano Aad Kaga Yaraaneyso Dadka Aad Isku Filka Tihiin

Dhakhaatiir ka tirsan Jaamacadda Harvard ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay iney suurtaggal tahay in qofku uu da’diisa ku kordhin karo 10-sano iyadoo la raacayo talooyin gaar ah oo lagama maarmaan ah.

Sida uu qoray website-ka “Circulation“,  Frank Speizer oo ah dhakhtar iyo cilmi-baare ka tirsan Jaamcadda Harvard, ayaa sheegay in la raaco hab goonni ah oo nolol caafimaad ah uu yahay hab aasaasi ah oo qofku cimirgiisa ku dheereyn karo, laakiin cid wadadaa raacdaa ma jirto, waajibka siyaasiyiinta saran ayaa ah iney dadka u diyaariyaan duruuftii ay ku heli lahaayeen deegaan ku habboon iney sports ka ciyaaraan, caadooyinka khaldan ee shaacsanna meesha lagaga saaro.”

Dhakhaatiirtan ayaa ku dhawaaqay in : 1.Sigaarka oo la joojiyo 2.Alchol-ka oo laga fogaado 3. Cunno caafimaad oo la qaato 4.Sportska oo la ciyaaro 5. Jirka oo miisaan khafiifa lagu ilaalo ay kafaalo qaadayso in cimriga qofka ay ku kororto 10-sano ugu yaraan.

Inta badan khubaradu waxay farta ku fiiqayaan in raashinka caafimaad uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro miisaanka qofka, caafimaadka maskaxda, xidada dhiigga iyo wadnaha uu u roon yahay.

Khubaradan ayaa xilliyadii dambe waxay muujiyeen in saliidda saytuunka oo tiro badan laga qaato, raashinka badda uu si aad ah u yareero khatarta geerida xilliga hore iyo istaroogga maskaxada iyo wadnaha ku dhaca.

Khubaradan ayaa natiijadan gaaray, kadib tirakoobyo ay sameeyeen; ragga iyo dumarka tallaabooyinkaa 5 ah qaaday waxay noolaayeen muddo 87 ilaa 93sano u dhaxaysa noolaayeen, halka dadka kale ee aan nidaamkaa ku dhaqmin ay noolaayeen 75 ilaa 79-sano.

Khubaradan ayaa ogaaday in kor u kacay da’da dhexdhexaadka ah ee uu qofku noolaanayo ay xiriir la leedahay labo arrimood oo aasaasi ah, waaa hoos u dhaca fursadaha cudurrada wadnaha iyo cancer-ka oo cirmi-degdegga ugu badan keena.

Si kataba, khubaradani waxay ka hadlayaan waa natiijo cilmi-baaris ay muddo dheer wadeen, laakiin geerida iyo nolosha wax gacanta aadanaha ku jira maaha, dadaalkana waa la is faray.

Maandeeq FM

Related Articles

Close