WararkaWaxbarashada

Caalim Australian ah oo Doona Inuu Naftiisa Soo Afmeero Bishan May

Caalim Australia u dhashay oo la aaminsan yahay inuu yahay aqoonyahanka ugu da’da weyn dalkaas ayaa u guuraya dalka Switzerland Bishan May, si uu halkaa ugu soo gabagabeeyo noloshiisa, waa sida ay ku dhawaaqday Jamciyad difaacaysa aragtida caalimka, si uu u helo Dil-naxariis leh!

David W. Goodall oo hadda ay da’diisu tahay 104-sano wax cudur ah oo uu la dhibaatoonayaa ma jiro, laakiin waxaa la tilmaamayaa in nooca nolosha uu rabay aanuu haysan.

Waxa uu ballan ka haystaa urur garab ka siinaya inuu naftiisa gooyo gudaha magaalada Basel. Caalimkan oo dhanka deegaanka ku takhasusay ayaa waxa uu ku doodayaa inuu nolaa muddo ku filan isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu geeriyoodo oo noloshiisa uu so Afjaro.

Caalimkan oo la hadlay telefishinka ABC sanad guuradiisii 104 oo ku aadaneyd April ayaa yiri: “Aad ayaan uga xumahay inaan cimrigaa gaaro. Ma faraxsani. Waxaan doonayaa dhimasho!. Arrin murugo ahna maaha, arrinta murugada leh ayaa ah in la iga horistaago. Waxaan aaminsanahay qof kasta oo da’dayda oo kale gaaraa, inuu leeyahay xuquuq dhammaystiran oo ay ka mid tahay xaqa in lagu garab siiyo inuu naftiisa gooyo.”

Gudaha dalka Australia ayaan qofna looga ogoleyn inuu naftiisa gooyo, si kasta oo ay xaaladdiisu tahay, in kasta oo dhawaan laga ogolaaday gobolka Victoria, laakiin dhaqangelikiisu waxa uu yahay 2019, dadka cudurku dishooday ee bilaha kooban u harsan yihiin ayaana loo meel mariyay sharciga.

Jamciyadda taageeraysa caalimka oo la yiraahdo Exit International ayaa website ay leedahay soo dhigtay: “Waxaa dulmi ah in qofkii muwaadiniinta Australia ugu da’da weynaa uu aaddo dhanka kale ee adduunka si uu halkaa ugu helo geeri sharaf leh, qof kasta oo sidaa doonayaa inuu dalkiisa ku helo ayaa wanaagsan.”

Jamciyadda ayaa ol’ole lacag aruurin ah ka bilowday barteeda waxaana la uruuriyay illaa iyo hadda 17-kun oo dolarka Australia ah oo ah lacag u dhiganta $12000(Laba iyo Tobon Kun) oo dolar Mareykanka ah.

Si kastaba, dalkii ugu horreeyay adduunka ee baneeya “Dilka Naxariista ah” waa Holland 2001, waxaa ku xigsatay Belgium sanadkii 2002, sanadkii 1997 ayaa gobolka Oregon uu noqoday kii ugu horreeyay ee gudaha dalka Mareykanka ee laga ogaalado in uu qofku is dilo iyadoo dhakhtar uu kaashanayo.Sanadkii 2009 ayaa maxkamadda Sare ee Kuuriyada-koonfureed ay ogolaatay in qofku xaq u leeyahay inuu “Naftiisa si karaamo leh u jaro.”

Ugu dambeyn, Nabi Maxamed N.N.K. H, waxa uu Alle ka baryi jiray inaanuu gaarsiin “Ardal al-Cumri” oo ah da’da uu caalimkan ka cabano ee uu leeyahay in igu filan waan noolaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close