WararkaWaxbarashada

Taariikhda Maalinta Shaqaalaha Adduunka

 

Ciidda shaqaalaha ama maalinta shaqaalaha Adduunka oo sanad kasta loo dabaaldago May 1, waa maalin fasax rasmi ah inta badan dowladaha Adduunka, waa maalin lagu xasuusanayo bilowgii dibadbaxyo ay shaqaaluhu dhigeen si loo yareeyo saacadaha shaqada ee maalinta loona gaarsiiyo 8-saacadood.

Bilowgii fikiradda waxay ka bilaabatay gudaha dalka Australia sanadkii 1856, kadibna waxay ku faaftay dhammaan dowlahada kale ee adduunka iyo Mareykanka oo ay ka dhacday qadiyadda “Haymarket” oo si gaar ah ugu suntan maalintan.

Taariikhda Maalintan

Waxaa jira dhacdooyin badan oo dhaliyay xafladda maalintan, waxay markeedii hore ku bilaabatay codsiga shaqaalaha gobolka Chicago ee gudaha dalka Mareykanka, kadibna waxay u gudubtay dhowr gobol iyo magaalooyin.

Chicago ayaa loo aqoonsan yahay iney tahay meesha ugu muhiimsan ee dhacdadan maalinta shaqaalaha adduunka, kadib markii dhibaato ka dhex dhacday shaqaalaha iyo dadkii loo shaqaynayay, si loosoo koobo tirada saacadaha maalitii oo ay codsanayeen in la gaarsiiyo 8-saacadood, mushkiladda ayaa sii ballaaratay, waxay gaartay Hamilton kadib Toronto, sidaa darteed waxaa soo baxay Qaanuunka midowga ganacsata kaas oo lagu ilaalinayo shaqooyinka ay hayaan midowga shaqaale waynaha sanadkii 1872.

Sanadkii 1882, xafladdii maalinta shaqaalaha adduunka ee Toronto ka dhacday ayaa waxaa ka qaybgalay madaxa shaqaalaha Mareykanka oo la oranjiya Peter McGuire, waxa uu arkay sida ay shaqaaluhu u dagaaldagayaan arrintii ayaa cajabgelisay, waxa uu dalkiisa ka hirgeliyay xaflado la mid ah September 5, 1882.

Sanadkii 1884 ayaa shaqaaqo ka dhacday Mareykanka, shaqo joojin ay shaqaaluhu wadeen, ayaa waxaa ku dhintay shaqaalo badan oo ay ciidanku dileen.

Haymarket affair

Waxay ka mid tahay dhacdooyinka ugu muhiimsan ee maalintani ay ku curatay, waxay ahayd shaqo joojin Mareykanka  ka bilaabatay oo gobollada Chicago iyo Illinois ay ugu horreeyeen, waxa uu ahaa shaqo joojin ku salaysan yareynta tirada saacadaha shaqada, booliska ayaa waxay dileen 4 qof oo shaqaale ah, dilkaas ayaa keenay iney dadkii waddooyinka ku soo kordhaan maalintii xigtay. Dibad baxa oo ka socda barxadda Haymarket ayaa boolisku si xoog ah ku kala eryeen dadkii, qof ayaa intuu xanaaqay dhankiisa booliska Bam ku tuuray oo ka dilay 7 ka mid ah.

Dhacdadan ayaa loo qabtay 8 qof oo mabda’dooda siyaasadeed lagu xukumay, todobo ka mid ahana la dilay, dhacdadaas ayaa dadka kasii caraysiisay oo keentay iney ku dhawaaqay iney tahay maalinta shuhadada Haymarket, kadib maalintaasi waxay noqotay mid loo dabaaldago guulaha ay shaqaaluhu gaaraan ee mid dhaqaale iyo mid bulshaba leh.

-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Abdiraxmaan Cumar Cusmaan ‘Yariisow’, ayaa xilli hore oo saaka bartiisa twitterka soo dhigay hambalyo uu u soo jeedinayo shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Benaadir.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close