JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Talooyinka Khubarada Psychology-ga: 7 Su’aalood Ha Weyddiin Kulanka Koowaad Qofka Aad Dooneyso Inaad Qalbigiisa Hanato

Mararka qaar fursaddu waxay timaaddaa marqura, laga yaabee inaad sugaysay muddo dheer; qofkaa dareenkaaga dhaqaajiyay ee ku soo jiitay  marka aad kor ka eeganeysay; waxaa idiin suurtagashay inaad wada kulantaan. Laakiin waxaad dareemaysaa isku dhex yaac iyo walwal, waxaad ka baqaysaa in kulankiina koowaad uu fashilmo oo fursad labaadna aad isku heli waydaan; markii halkaa la joogo waxaad u baahan tahay qof qalbiga kuu fura oo adigana kaa hela inuu noqodo; sidaa darteed ha waydiin su’aalaha qaar oo teed u noqon kara xiriir kasta oo aad sameynayso mustaqbalka.

Waxaa jira 7 su’aalood oo khubarada caafimaadka Naftu ay isku waafaqeeyn inaan la is weddiin kulanka koowaad qofka aad dooneyso inaad mustaqbalka la wadaagto.

1- Lamaanahaagii Hore Maxaad Ku Kala Tagteen?

Qofka hortaada fadhiya; sida ay u badan tahay waxa uu rajeynayaa inaadan noqon copy-ga lamaanihiisii hore oo soo xasuusiya dhibaatooyinkii uu horey usoo maray iyo niyad-jabkii uu la kulmay, waxaa dhici karta inuu gudaha ka gubanayo; isagoo isku dayaya inaanuu xasuusan lamaanihiisii hore; si aanuu isbarbardhig idiinku sameyn, gaar ahaan marka qofkii hore ay u kala tageen uu xoogaa jacaylka u sii hayo.

Dhakhtarka cilmi-nafsiga ku takhasusay ee la yiraahdo Guy Winch oo Ph.D. ka haysta cilmigaa ayaa  qaba; qof aad hor fadhido haddii uu weli jacaylka lamaanihiisii hore ku sii dambeeyo; markaa waxaad dareemaysaa inaan xiriirka fursad kaaga bannaaneyn niyad-jabna wuu kugu dhacayaa; taas oo marka dambe keenaysa inuu xiriirkiinnu sii socon waayo.

2- Ma Mucaaraad Ayaad Tahay Mise Muxaafid?

Kulanka koowaad ee aad la qaadaneyso qof aad ka heshay; maaha kulan la isku xog warsanayo fikirka siyaasadeed ee la kala aaminsan yahay, dhakhtaradda la yiraahdo Suzanne Degges-White oo Ph.D ka haysata cilmi-nafsiga ayaa waxay tilmaameysa in kulanka koowaad aad soo hadalqaaddo fikirka siyaasiga ah ee uu qofku aaminsan yahay aad u muuqaneyso inaad tahay qof aan furfurneyn, si xal dhexdhexaad ah aad iskula meel dhigtaanna ay adag tahay.

3-Xiriir Jacayl Horey Ma U Sameysay?

Haddii aad su’aashan qof dumar ah aad waydiiso inta badan waxaad dareemi doontaan liidnaan, haddii aan qof rag ah waydiisana; waxaad siineysa fursad ballaaran oo uu kaga sheekeeyo tijaabooyinkii uu soo maray iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay; waxaa dhici karta in su’aashaasi ay noqoto naxashkii Koowaad ee xiriirkiinna musbaarka ku kawisa, wax qiimo ah ma laha in qof adiga kula dhacsan aad  ogolaato inuu kaaga sheekeeyo xiriirkiisii hore; kuma farxaysid.

4- Bishii Lacag Intee Le’eg Ayaa Ku soo Gasha?

Su’aashan waxay hoosta ku wadada labo arrimood oo suuraggal ah; in qof su’aashaa la waydiinayo uu yahay qof hantiile ah oo uu u qaato in waxa aad u socotaa ay hantidiisa tahay, halka marka uu dakhligiisu kooban yahana ay su’aashu dhibaato ku noqoneyso.

5- Kulanka Ma Ku Faraxsan tahay?

Booska aan noo dooray, raashinka aan inoo dookhay ma ku qanciyay? Miiska miyaan bedelanaa? Sideed dareemaysaa?, su’aalahaas oo dhan waxay ku tusinayaan sida aadan iskugu kalsooneyn, waxaa dhici karta ka badbadintaada uu si kale u qaato.

Waxaa aad u wanaagsan inaad isku daydo raalligelintiisa, laakiin marka uu xadkii loogu talagalay dhaafo; waxaa dhici karta inuu u qaato in kalsoonidaadu dhantaalan tahay, waxaa dhici karta inuu qaato go’aan oo aydaan mar dambe is arag.

6- Qoyskiina Ma leeyahay Taariikh Cudur Dhaxal ah?

Su’aasha kaliya ee laguu ogolyahay dhanka caafimaadka ayaa ah inaad waydiiso in dhibaato caafimaad uu horey u soo maray isagu shakhsi ahaan, laakiin inaad waydiiso in cudur daba dheer oo chronic disease ah ama qof qoyskiinna ka mid ah ma qabay cudur sonkorowga, waa maxay bartan gacanta kaaga tallaa? , su’aalahaas oo dhan ma aha kuwo daruuri ah kulanka koowaad, waxaa dhici karta inuu derbi idin kala  dhex dhigto oo xiriirkiina uu sii socdaa ay adkaato.

Laakiin qofku haddii uu si iskii ah kuugu soo bandhigo, falcelintaadu ha noqoto mid caqli badan, yaanuu kuu arkin inaad arrinkaa fududaysanayso. Dr. Guy Winch waxa uu ku talinayaa inaadan wax talooyin caafimaad ah aadan siin, marka aad ogaato inuu cuduri jiro, waa inaad si wanaagsan u dhageysto oo aad noqoto qof fahmaya xaaladdiisa uu ku sugan yahay lana jaanqaadi kara.

7- Maxaad u Guursan Weyday?

Su’aashaasi waa su’aal maskaxdaada ku soo degdegaysa, qofka ku horfadhiya waxa uu u eegyahay qof aad u wanaagsan oo horey laga jeclaanayo, adiga ayuuba ku soo jiitay oo u arka inuu kuu qalmo; muxuu illaa xilligan guur la’aan u joogaa; ma arrin qarsoon ayaa noloshiisa ka jirta; oo dadka kale ay kaga fogaanayaan?

Natasha Devon oo ah khabiir dhanka xiriirada ku takhasustay oo maqaal ay ku qortay jariidada “Telegraph” ayaa waxay ku talineysaa in laga fogaado su’aashaa si kasta oo ay maskaxda ugu soo degdegayso, maxaayeelay; jawaab ku habboon u heli maysid, natiijada kaliya ee la ogyahay ee ka soo baxaysaana waa iney jawiga kulanka cakireyso.

Qofka kaa soo horjeeda kuuma sheegayo inuu necebaa nolosha lamaanaha, kuuma tilmaamayo inuu la’yahay qofkii uu ku riyoonayay ee u qalantay, haddii aad ceeb shakhsiyaddiisa ka raadineyso; su’aashaasi mid aad jawaab ku gaareyso maaha, qof kalena dareen ayaad gelinaysaa in shakhsiyaddiisa ay dhaliili jirto.

Si kastaba, digniinahan yaaney kaa dhigin qof aamusan, qofka aad dooneyso inuu kaa helo, ha u qaadan in su’aaluhu ay yihiin todobadan oo qura, waxaa jira su’aalo badan oo ay ku talineyso Dr Alice Boyes Psychology-ga ku takhasustay oo kulanka koowaad qofka aad waydiin karto, si aad qalbigiisa u hanato: Saaxiibadaa iiga sheekee? Waa halkee goobta aad ugu jeceshahay inaad fasaxa ku qaadato? Shayga aad ugu jeceshahay ee aadka kuu soo jiitaa waa maxay? Musalsallada ma daawataa? Guriga bisad ma kuu joogtaa? Qoyskiina sideed isku tihiin? Iyo su’aalo kale oo farabadan oo aad si fiican iskugu dhexgeli kartaan idiinkoon jawiga guud ee kulanka iska qasin oo su’aalo aan munaasab ahayn is-weyddiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close