TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Aasaasaha WhatsApp oo Iska Casilay Jagadii uu Facebook Ka Hayay & Mark Zuckerberg oo Ka Hadlay

Aasaasaha adeegga WhatsApp “Jan Koum” ayaa iska casilay shirkadda Facebook Isniintii April 30, 2018, kadib 10-sano oo shaqo ah oo uu adeegga maamulayay.

Koum ayaa Facebook ku soo qoray inuu iska casilay WhatsApp isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay shaqadii uu qabtay, waxa uu sheegay inaanuu marnaba fileyn in adeeggu heerkaa caalamiga ah uu gaari doono, laakiin uu doonayo inuu muddo ka dhex baxo teknolojiyada.

Mark Zuckerberg ayaa comment uu ka dhiibtay is-casilaadda Koum uga mahadceliyay mudadii ay isla soo shaqayeen, waxaana uu tilmaamay abaalka uu u hayo inta uu gaarsiisan yahay iyo inuu wax badan ka bartay, gaar ahaan howlaha ku saabsan WhatsApp.

Laakiin warbixin ay faafisay The Washington Post, waqti sii horreeyay, ayaa tilmaantay in Koum ay kala aragti duwanaadeen shirkadda Facebook, dhanka istiraatiijiyadda WhatsApp, waxa uu ka soo horjeestay in la adeegsado xogta dadka sida gaarka ah u isticmaala iyo adeegga oo ammaankiisu uu liito.

Jan Koum iyo saaxiibkii Brian Acton oo ay ka soo wada bexeen Jaamacadda Stanford ayaa si wadajir ah u aasaasay WhatsApp sanadkii 2009, 2014 ayey ka iibiyeen shirkadda Facebook oo ka siisatay $19 billion oo dolar, 4-billion kasha ahaan ayay u qaateen, halka inta kale hab saami ahaan ah ay shirkadda ugu yeesheen.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close