WararkaWaxbarashada

“Airport-ka Adduunka Ugu Wanaagsan”… Safarku Inuu Ku Dhaafo Lagama Yaabo!

Airport Changi ee gudaha dalka Singapore ayaa tijaabinaya aqoonsiga wejiga oo looga golleeyahay in loo kaashado ogaanshiyaha halka uu ku sugan yahay rakaabka safarka ka dib dhacay, dadkaas ayaa ah kuwo ugu badan ee safaradda dib u rida diyaaraduhuna ay u xayirnaadaan in muddo ah.

Airport-kan ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay kan ugu wanaagsan Adduunka, muddo Lix-sano ah isagaa ahaan kan ugu wanaagsan Dunida.

Steve Lee oo ah maamulaha warbaahinta Airport-ka Changi ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay, in tijaabooyinka uu airport-ka wado danta laga leeyahay aaney ahayn in nolosha dadka lagu xakameeyo, laakiin ulajeedkiisu yahay in lagu xalliyo mushaakil dhab ah oo dhinaca safarka la xiriira.

Lee waxa uu hadalkiisa sii raaciyay : “Waxaa jira warar badan oo nasoo gaara oo sheegaya in rakaab la la’yahay, waa xaaladaha aan dooneyno inaan uga faa’iidaysanno, waa inaan u dhabagalno halka uu joogo, arrintan way la socdaan shirkadaha duulimaadku.”

Qofka rakaabka ah marka uu safarka diyaaradda ka dib dhaco, waxaa isla markiiba la baarayaa halka uu joogo, kaamirooyinka waddooyinka ku xiran ee Airport-ku leeyahay ayaa soo saaraya halka uu joogo, waxaa markaa la isku dayayaa in sida ugu dhakhsiha badan diyaaradda loo gaarsiiyo!.

Lee waxa uu tilmaamayaa iney tijaabiyeen teknolajiyad arrintaa la xiriirta, shirkado badan ay arrintaa iska kaashanayaan, waxaana dhici karta, ayuu yiri, in muddo sanad ah qorshahan cusub lagu hirgeliyo.

Singapore ayaa waxaa ka jiraa mashaariic badan oo teknolojiyada looga faa’iidaysanayo hagaajinta nolosha dadka, fursado dhaqaalena lagu abuurayo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close