WacyigelinWararkaWaxbarashada

Caadooyinka 6-da ah ee Lagu Garto Dadka Garaadkoodu Hooseeyo!

Ma aaminsan tahay xilli kasta inaad tahay qof waddo sax ah ku taagan, dadka kalena ay khaldan yihiin? Ma Ka carartaa mas’uuliyadaada, khaldaadka aad leedahayna dadka kale dusha ma ka saartaa? Ma ka badbadisaa ku faanka Caqli badnaantaada? Haddii aad su’aalaha jawaabtoodu “haa” noqoto, dhaqankaaga dib ugu laabo, caalamadahaa waxay ku kulmaan qof nacas ah oo garaadku hooseeyo, ku darso waxay dadkaas aad u jecelyihiin aflaamta anshax darrada ah.

1- Khaldaadkooda Dadka Kale Ayey Dusha ka Saaraan

Dadka oo dhan waxay khaldamaan qof khalad ka nabadgalayaa ma jiro, laakiin wadada khaladka loogu fakaro ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay leeyihiin geesinimo ku filan oo ay khaladkooda ku qirtaan, mas’uuliyadda khaladkoodana ay ku qaataan, halka dadka qaar ay dusha ka saaraan dad kale si ay mas’uuliyadda uga cararaan.

Dr. Travis Baradberry oo ah alifaaga buugga Emotional Intelligence ee garaadka Bulshada, oo ka hadlay in qofku uu khaladaadkiisa dadka kale dusha ka saaro waxa ay  ka dhigan tahay ayaa yiri: “Marka aad dadka kale farta ku fiiqdo, waa xilliga ay bilaabaneyso in laguu arko qof aan mas’uuliyad qaadi karin inaad tahay”, waxa uu ku talinayaa in mas’uuliyadda khaladaadka uu qofkii lahaa qaato, isla markaana uu ka fogaado inuu dad kale dusha ka saaro.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Michigan ee dalka Mareykan ayaa muujisay in dadka caqliga badan ay si ka duwan dadka kale khaldaadka ula dhaqmaan, waxay u arkaan iney u tahay fursad ay wax ku korosan karaan, marka soo aaddan ay ka beyri doonaan wadadaa ay markii hore ku khaldameen.

2- Saameynta “Dunning-Kruger effect”… Inuu Qofku Caqli Badnaan Isku Ammaano

Qofka caqliga badan uma baahna inuu dadka u sheego caqligiisa oo uu ku soo celceliyo “Aad ayaan u caqli badanahay”, maxaa yeelay; ficilkiisa ayaa ku tusinaya heerka caqligiisa, isagoon is sheegsheegin. Qofka naftiisa buunbuuniya ee heerka garaadkiisa sheegsheega inta badan waxa uu ku jiraa dadka caqligoodu hooseeyo, waa arrinta loo yaqaaanno saameynta “Dunning-Kruger”.

Dunning-Kruger waxaa loogu magac daran labo caalim oo dhanka Cilmi-Nafsiga ku takhasusay oo la kala yiraahdo David Dunning iyo Justin Kruger, waxay si wadajir ah daraasad uuga sameeyeen arrintan waxayna yiraahdeen: “4 cilmi-baaris oo kala duwan ayaa waxaa laga ogaaday in dadkii ka qaybqaatay kuwii ugu hooseeyay tijaabooyinka IQ astaamihii lagu arkay ay ka mid ahayd, iney si xoog ah u buunbuuniyeen awoodahooda maskaxda, xitii kuwii helay 12%, waxay naftooda ku qiimeeyeen iney haystaan 62%!.”

3- Dadka kale way Ka Carrab Adag yihiin kana Cunsuriyad Badan yihiin

Dadka garaadka sare leh dad kale way dhiirigeliyaan wayna garab istaagaan, laakiin kuwa garaadka liito waxay sameeyeen arrintaas wax ka duwan, inta badan naftooda iney muujiyaan ayay jecelyihiin, waxay ka hadlaan xumaanta dadka kale, xukunka ayay dadka kula degdegaan,  caado ahaanna dadka caqliga badan qofna xumaan kulama degdegaan, go’aan degdeg ah kama qaataan.

Daraasad laga sameeyay gudaha Jaamacadda Brock ee dalka Canada, ayaa daaha ka rogtay in dadka caqligoodu hooseeyo ay dad kale ka af adag yihiin kana cunsuriyad badan yihiin, daraasadda ayaa lagu sheegay: “Dadka IQ hooseeyo, inta badan waxey u janjeeraan ciqaabta daran, dadkan iyagaa ugu cunsiyad badan.” Marka ay dadka kale la mucaamilayaan.

4-Dan Kama Galaan Dareenka Dadka Kale iyo Baahidooda

Dadka caqliga badan waxay ku fiican yihiin iney dadka kale la caadifoodaan; waana tan keenta iney dadka kale ixtiraam, dadka aan caqliga badneyn waa taa cagsigeeda; waa dad anaaniyad badan, waxayna u badan yihiin mabda’ “Naftayda Naftayda”, iyagoo iska indho tiraya aragtida dadka kale.

Professor Russell James oo ka tirsan Jaamacadda Texas ee dalka Mareykanka ayaa daraasad uu sameeyay oo ay ka qaybgaleen 1000 qof uu ku ogaaday in dadka heerka IQ uu sarreyo ay wax bixinta u badan yihiin iyagoon cidna abaal aan ka sugin, waxay qiimeeyeen baahiyaha dadka kale, waxayna u badan tahay iney ka jawaabaan.

Dhanka kale, dadka uu garaadkoodu hooseeyo ma fahmi karaan baahiya dadka kale oo ma qiimeyn karaan.

5-Falcelintooda oo ah Mid Caro iyo  Cadaawad Badan

Haddii aad tahay qof falcelintiisu ay degdeg badan tahay, waxaa loo baahan yahay inaad dib iskugu laabato, dadka caqliga badan way xanaaqaan oo dabeecad aadanuhu ka siman yahay, laakiin caado ahaan dadka garaadkoodu hooseeyo falcelintoodu waa mid caro iyo cadaw tooyo badan.

6- Waxay aad u Daawadaan Muuqaallada Anshax darrada ah

Arrintan waxaa dhici karta inaad la yaabto, laakiin ra’yigan aasaas cilmi ah ayuu ku saleysan  yahay; Culumo dhanka Sayniska ah ayaa caddeeyay in qofka marka uu badsado muuqaallada aflaamta anshax darrada ah ay ragga ka dhigto “doqomo”. Daraasad uu sameeyay mac’hadka Max Planck ee horumarinta aadanaha ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in ragga si joogto ah u daawada aflaamta anshax darrada ah uu caqligoodu yaraado, gaar ahaan qaybta “striatum” ee qorshaynta u xilsaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close