WararkaWaxbarashada

Sacuudiga: Gunti Giijiska Dhaqaalaha oo Gaaray Iskuullaadka Dowladda.. 25-iskuul oo Lagu Wareejiyay Shirkado Gaar Ah

Dowladda Sacuudiga ayaa shirkado gaar loo leeyahay ku wareejisay Talaadadii  25 iskuul Dowladeed, si ay u maamulaan bedelkii dowladda, qorshe lagu hagaajinayo dhaqaalaha oo cadaadiska maaliyeed dowladda looga khafiifinayo.

Riyadh ayaa isbuucii hore ku dhawaaqday iney beegsaneyso lacago aan dhanka naftada ahayn oo tiradoodu gaareyso 35 billion ilaa 40 billion, lacag u dhiganta (9 ilaa 11 billion oo dolar) oo ka soo baxaysa gunti giijiska iyo beekhaamin marka la gaaro 2020, mas’uul arrintaa u xilsaaran ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in qaar ka mid ah dhismayaasha dowladda lagu wareejin doonto shirkado gaar ah.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee WAS ayaa sheegtay in golaha Wasiirrada ay arrintaa guddi u saareen si ay u fuliyaan mashruuca “Iskuulaad Gaar ah”, iyadoon wax faahfaahin ah oo dheeraad ah aan ka bixin.

Qorshaha gunti giijiska kolba sida loo yaqaanno ayaa hoos imaanaya aragtida 2030 oo ah barnaamij aad u ballaaran oo uu hoggaaminayo Dhaxal-sugaha Koowaad ee Sucuudiga ee Maxamed Bin Salman, waa mid dib loogu hagaajinayo dhaqaalaha Sucuudiga.

Sidii horey caadada u ahayd  xukuumadda Sucuudiga ayaa maalgelin jirtay dhismayaasha infrastructure-ka oo maalkeeda gaarka ah laga bixin jiray lacagta, laakiin markii sicirka naaftada uu hoos u dhacay 2014, waxaa cadaadis badan soo koray xukuumadda, waana arrinta keenaya iney dhismayaashii dowladda qaarkood lagu wareejiyo shirkado si gaar ah u maalgashanaya.

Si kastaba, mashruucan oo la magac baxay “Iskuulaad gaar ah” ayaa hadda lagu bilaabay 25 iskuul dowladeed, muddo Labo sano ah waxaa la filayaa in la gaarsiiyo ilaa 2000 oo iskuul marka la gaaro 2020, waa sida uu xaqiijiyay Wasiirka Waxbarashada Sucuudiga Dr Axmed al-Ciisa, iyadoo la tilmaamayo in ardayda ay lacag la’aan wax ku baran doonaan!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close