CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

8 Xaqiiqo oo Ku Saabsan Ukunta.. Badankooda Horey Uma Aadan Aqoon!

Ukunta waxey ka mid tahay raashinka uu protein, Vitamin iyo nafaqadu ku badan tahay, waxey ilaalisaa caafimaadka jirka, gaar ahaan marka quraacda laga dhigto.

Khubarada cuntadu waxey u aqoonsan yihiin in nidaamka cunnada ee ukuntu ku jirto shaki la’aan uu yahay nidaam cunno caafimaad ah.

Wargeysa BoldSky ee arrimaha caafimaadka ku takhasusay ayaa lagu soo daabacay maqaal lagaga hadlayay xaqiiqooyin ukunta ku saabsan oo badankooda horey aadan u ogayn.

1- Yolka, Qaybta dhexe ee Jaalaha ah

Waxaa ka buuxa cunno faa’iido badan, waxaa laga helaa vitamin B Chline oo dareemaha u roon, waxa uu qofka ka garab siiyaa in maskaxdiisu kobacdo, sidaa darteed dumarka uurka leh ayaa lagula taliyaa iney badsadaan. Waxaa uu sidoo kale si badan u soo saaraa hormonnada sareedada serotonin iyo dopamine.

2- Waxaa Laga Helaa  Protein-ka ugu wanaagsan

Marka aan ka hadlaynno protein-ka ugu wanaagsan, ukuntu waxey soo galaysaa kaalinta Koowaad, maxaa yeelay; jirku si dhammeystiran ayuu uga faa’idaysanayaa. Waxaa laga hellaa Antioxidants, vitamin A, vitamin B12, vitamin D, folate iyo phosphorus, halkii xabbo waxaa laga helaa 6G oo Protein ah, dumarku waxey ka helaan 14% baahiyahooda maalintii ee Protein-ka, halka raggu ay ka helaan 11% baahiyahooda maalinta ee Protein-ka.

3-Miisaanka ayey  Xakameysaa

Marka aad ukun raashinkaaga ku darsato waxey kuu ilaalisaa miisaanka wanaagsan ee jirkaaga, dharag ayaad ku dareemaysaa, halkii ukun ee weyn waxaa laga helaa 70  Calories, waana tan ka dhigaysa in ay tahay protein aad calories-kiisu u yar yahay.

4- Jirka ayaa Lagu Dhisaa

Marka aad sports-ka ku jirto inaad ukunta isticmaasho waa arrin aad u wanaagsan, waxaad ka helaysaa protein-kii lagama maarmaanka u ahaa, sidaa darteed; dadka sports-ka ciyaara nidaamkooda cunnada Ukunta waxey u tahay lagama maarmaan.

5- Vitamin “D” si  Wanaagsan Ayaa Looga Helaa

Jirka waxa uu vitamin D ka helaa qorraxda ama cunnooyinka qaar, ukunta ayaa ka mid ah oo waxaa laga helaa vitamin “D”. halkii xabbo ee Ukun ah waxaa laga helaa 41 halbeegga caalamiga ah ee vitamin “D”, waana in kaaga filan baahidaada maalinta ee vitamin-ka.

6- Ukunta Midabkeedu Muhiim Maaha

Dad badan waxey aaminsan yihiin in ukunta bunniga ah ay faa’iidadeedu badan tahay, laakiin midabka ukunta muhiim maaha, halka midabka dhexda ukunta qaybta jaalaha ah ay ku xiran tahay, kolba nooca cunno ee uu qofku qaato, Yolka jaalaha ah ee ukunta ayaa muhiim ah waxaa laga helay vitaminno badan iyo protein.

7-Ukuntu Kariska Ayey Ku Wanaagsan Tahay

Ukunta waxey ku kartaa heerkul hooseeya sidaa darteed; muddo dheer dabka laguma daayo, iyadoo diirran isticmaal.

8-Ukunta Dux ayaa Laga helaa

Ukunta waxaa laga helaa dux 1.5 Gram oo dufan (Saturated fat ah), 1g oo polyunsaturated fat, 1.8g oo dux monounsaturated fat ah, waxaa laga helaa Omega-3, marka digaagadda la quudiyo miraha Kataanka ee Flax lagu yiraahdo Luqdda Ingiriiska.

https://twitter.com/swans59/status/991018856377470977

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close