WararkaWaxbarashada

Waxwalba oo Aad Uga Baahan Tahay Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda 2018

Dunida ayaa looga dabbaaldegaa maalinta xoriyadda Saxaafadda marka la gaaro May 3 sanad kasta, waa maalintii loo doortay xuska bayaanka Windhoek ee taariikhiga ah ee ka soo baxay kulanka ay yeesheen saxafiyiinta African ah oo ay soo qabanqaabisay UNESCO, kana dhacay  Namibia May 3, 1991.

Bayaanka ayaa waxa uu tilmaamayey inaaney suuraggal ahayn in xoriyadda saxaafadeed la gaaro iyadoo aan la helin deegaan dhiirigelinaya saxaafadda xorta ah ee dhinacyada badan. Shardiga koowaad ee hortabinta u leh saaxafadda ayaa lagu sheegay inuu yahay xaqiijinta ammaanka saxafiyiinta marka ay howshooda shaqo gudanayaan iyo in la damaanad qaado in si degdeg ah loosoo bandhigo natiijada baaritaanka dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay sanadkii 1993 in May 3, sanad kasta ay noqoto dabbaaldegga Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda.

Maanta oo ku beegan maalinta Xoriyadda Saxaafadda ayaa looga faa’idaystaa in laga hadlo mabaadi’da aasaasiga ah ee xoriyadda saxaafadda, waana maalin la is xasuusiyo saxafiyiinta naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ay bulshada u hayeen.

Saxaafadda ayaa ah qiyaasta dhabta ah ee xoriyadda uu shacabku haysto wadan kasta, maxaa yeelay; saxafigu waa qofka isku xira siyaasiyiinta iyo shacabka. Haddii saxafiyiinta ay baqdin iyo muquunin dareemaan gudaha waddanka ay ku dhaqan yihiin, taas macnaheedu waxey ka dhigan tahay in shacabka dalkaas ay xoriyadoodu kala dhantaalan tahay.

UNESCO ayaa sanadkan waxay u dabbaaldegaysaa sanad-guuradii 25aad ee maalinta caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda. Xafladda sanadkan waxaa iska kaashanaya UNESCO iyo xukuumadda Ghana. Sanadkan halkudheggu waxa uu yahay “Miisaanka Awoodaha: Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sarreynta Sharciga, xaflaadda qodobadda looga hadli doonaa waxaa ka mid ah; dhibaatooyinka saxaafadda casriga ah iyo in la helo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda electronic-ga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close