WararkaWaxbarashada

Yaa Dhibaato Badan.. ‘Sigaar Cabista’ iyo Ku Noolaanshiyaha Magaalo Hawadeedu Wasakheysan Tahay!.

Waxaa soo baxay App cusub oo isbarbardhig ku sameynaya dhibaatada hawo-wasakhowga magaalooyinka ay dadku ku badan yihiin marka lagu qiyaaso “sigaarka”, dhibaatada ay dadkaasi la kulmaan.

Maalin kasta oo aad ku qaadaneyso gudaha Magaalo hawo-wasakhowgu ku badan yahay, app-ka waxa uu qiyaasayaa nooca hawada aad qaadatay dhibaatada kaa soo gaartay marka laga qiyaas qaato sigaarka.

Markii app-kan lagu tijaabiyey magaalooyin kala duwan, waxaa cadaatay in dadka Beijing ku nool ay qaataan hawo wasakhaysan in u dhiganta 4 xabo oo sigaar ah maalintii, taas macneheedu yahay iney bishii isticmaalaan 120 xabbo oo sigaar ah. Marka aan eegno dhanka magaalada Los Angeles, wasakhowga hawada waxay u dhigantaa in qof kastaa uu isticmaalo xabbad sigaar ah barkeed. Magaalda Delhi ayaa kaalinta koowaad soo gashay, in ka badan 10 xabo oo sigaar ah oo hawo wasakhaysan ah ayaa qof kasta oo ku nool qaataa maalintii.

Magaalada Buenos Aires waxey ahayd magaalooyinka Adduunka tan ugu hawo wanaagsan, Qaaradda Americana iyadaa ugu horreysa.

App-kan cusub ayaa dadka si weyn u soo jiitay, macluumaadka uu soo bandhigayo oo lama filaan ku noqday dadbadan darteed, magaalooyinka ay dadku ku badan yihiin sida ay hawo-wasakhowgu ugu badan yahay. Horey waxaa loo aaminsanaa: Qof kasta oo aan sigaar cabin waa qof dhibaatadiisa ka nabadgalsan.

App-ka ayaa waxaa lagala degi karaa goobaha internet-ka ee barnaamijyada lagala soo dago, magaciisu waa “Shit, I Smoke!”

Maandeeq FM

Related Articles

Close