WararkaWaxbarashada

Abaalmarinta Nobel Prize “Suugaanta” oo Gebi Ahaanba La Laalay Sanadkan!

Abaalmarinta Nobel Prize “Suugaanta” ayaa sanadkan la laalay kadib markii fadeexad dhanka faduulin jinsiga ah (Sexual Harassment) ay ku soo baxday akademiyada.

Akademiyada “Nobel Prize-ka Suugaanta” ayaa maanta ku dhawaaqday in gEbi ahaanba la laalay  abaalmarinta sanadkan, iyadoo dadbadani ay filayeen in tallaabadan la qaadi doono kadib markii xubno ka tirsan akademiyada lagu soo eedeeyey iney anshaxdarro ku dhaqmeen, xubin kaliya ayaa waxaa farta ku fiiqay ku fiiqay 18 dumar ah.

Fadeexaddan saameynta ku yeelatay akademiyada ayaa markii ugu horreysay waxaa daaha ka rogay jaraa’ida maxalliga ah ee gudaha dalka Sweden ka soo baxa, waxaana sababteeda isku casilay 6 ka mid ah xubnaha guddiga akademiyada ee 18-ka ah, arrintaas ayaa keentay iney dadbadani fishaan in sanadkan gebi ahaanba la laali doono abaalmarinta.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 1943 sidan oo kale ay dhacday oo abaalmarinta la laalay, waxaana xilligaa meeshiisii ugu sarreysay marayey dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Xubnaha sare ee akademiyada ee la doorto ayaa laga soo xusahaa dadkii horey ugu guulaysatay abaalmarinta Nobel Prize Suugaanta, qofku marka xubin loo doorto waxa uu ka mid ahaadaa inta cimrigiisa ka dhiman oo booskiisa cidi kama bedesho.

Mu’asasaad Sweden ka dhisan ayaa bixiya abaalmarinnada Nobel Prize Sayniska faracyadiisa kala duwan, halka abaalmarinta Nobel Prize Nabadda ay bixiyaan guddi dalka Norway ka soo jeeda oo si gaar ah ugu xilsaaran.

Maandeeq FM

Related Articles

Close