WararkaWaxbarashada

Maalinta Caalamiga ah ee “Password-ka”…Talooyin Cid Kastaa u Baahan Tahay

Sanad kasta marka la gaaro May 3, waxaa dunida looga dabbaaldegaa “Maalinta caalamiga ah ee Password-ka“, khubarada ammaanka electronic-ga ayaa dadka ku baraarujiya muhiimadda Password-ku leeyahay iyo saameynta caadooyinka aan habbooneyn ee adeegsiga Password-ka.

Iyadoo isbuuc kasta si weyn loo jabsado password-ka, ayaa hadana in badan oo inaga mid ah aaney ku baraarugsaneyn iney ilaashadaan barahooda gaarka ah ee ay internet-ka ku leeyihiin sida saxda ah ee loo baahan yahay.

Warbixin lagu daabacay wargeys-ka “Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa lagu sheegay in dadka badankooda ay fududaystaan ammaanka barahooda internet-ka, cilmi-baarisyada ay sameysay shirkadda ammaanka electronic ee la yiraahdo “Avast”, ayaa lagu ogadaaday in kala bar dadka Ingiriiska ah(47%) aaney weligood bedelin passwordka Gmail-kooda ama markii ay illoowaan kii hore ay dantu ku khasabta.

Two-factor authentication- Shay aad haysato iyo mid aad garaneyso

Khubarada qaar ayaa waxay ku talinayaan in password-ka caadiga ah lagu bedelo Two-factor authentication, waa password-kii aad taqaannay oo lagu daray mobile-kaaga ama app kale oo aad u kaashaneyso ilaalada bartaada internet-ka.

Paul Norris oo ah Injineer ka tirsan shirkadda “Tripwire” ayaa sheegay iney muddo dheer dadka ku tababarayeen in ay sameystaan password ay adag tahay iney xasuustaan, laakiin computer-ka si fudud looga jabsan karo.”, isagoo markaa tilmaamayey in wadadii hore ee password ay khaldaneyd.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Habka Two-factor authentication waa ammaanka oo aad loo sii  adkaynaynayo, waxaa isku biirsaday shay aad garaneyso iyo mid aad haysato, waxaad xisaabtaada gelinaysaa passwordka kadib waxaa lagu waydiinayaa mid kale oo aad kaligaa taqaanno ama bolikaaga kuugu soo dhacaysa, taasi waxay keenaysaa in si wanaagsan ammaanka xisaabtaadu u ilaashamo, mar kasta oo aad password-ka bedesho ammaankuna wuu sii kobcayaa.”, ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close