WararkaWaxbarashada

Fadlan Jooji Dhoolabiridka.. Daraasad: Dhoollacadeyntu Qofka Waxey Ka Dhigtaa Mid Da’weyn

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Ben-Gurion ayaa daaha ka rogtay in dhoolbiridku uu qofka ka dhigo mid da’weyn, waana arrin ka duwan wixii horey looga aaminsanaa.

Sida ay qortay jariidada “Mirror” ee ka soo baxday gudaha dalka Ingiriiska, inta badan xayaysiimaha ay sameeyaan dadka u ol’oleela ka hortagga duqowga ayaa dumarka waaweyn kula taliya iney qoslaan oo muusood ay sameyaan si ay ugu muquudaan kuwo da’yar.

Daraasaddan ayaa 40 qof oo ka qaybgalay waxaa la hordhigay sawirrada 35 rag ah iyo 35 dumar ah oo laga codsaday iney wejiyadooda sawiraan iyagoo dhoolbirdinay ama dhoollacaddeynaya iyo mid caadi ah. Waxaa soo baxday in farta lagu fiiqo in sawirka uu qofku muusoonayo uu ka da’weyn yahay kan caadiga ah.

Iyadoo arrintaasi jirto, ayaa hadana inta badan dadkii daraasadda ka qaybgalay waxay aaminsanaayeen in dhoollacadeynta dadku ay ku da’yaraadaan.

Cilmi-baarayaashii waxay yiraahdeen:

“Natiijooyinka aan gaarney, marka hore, dadku waxey ka aaminsan yihiin khalad in dhoollacadeynta/Dhoolbiridka uu qafka ka dhigo mid da’yar, halka wejiga dhoollacadeynayaa uu ugu muuqdo inuu yahay mid ka da’weyn kan caadiga ah.”

Arrinka muhiimadda leh ayaa ah in dhoolbiridka/muusoodka uu saameyn ku yeesho da’da qofka ku yeelanayso iyadoo ka dhigaysa mid da’weyn.

Daraasad hore loo sameeyay ayaa sawirrada dad qoslayay, waxaa laga tirtiray kuduudka indhaha agagaarkooda, waxaa meesha ka soo baxday in saameynta duqnimada meesha ay ka baxday oo dadkii qof kastaaba uu da’diisa ka yar yahay u muuqday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close