WararkaWaxbarashada

Kumuu Ahaa Caalimkii Muslimka ahaa Ee Ku Hadli Jiray 70 Luuqadood?

Qof kasta oo akhriya taariikh nololeedka Faylasuufkii Muslimka ah ee la oranjiray “al-Farabi“, waxaa soo hor mareysa inuu caalimku ku wanaagsan 70-Luuqadood oo kala duwan, hadaba; macluumadan maxaa ka jira saxnimadeeda?

Abu Nasr Maxamed al-Farabi waxa uu ahaa caalim aad u cilmi badnaa, waxaa lagu naaneysi jirey “Macallinkii Labaaad, halka macallinkii Kowaad uu ahaa Faylasuufka reer Greek ee la oranjiya Aristotle, kaas oo Farabi uu ka shaqeeyay buugaagtii uu alifay oo uu si dufud dadka ugu sharraxay.

Halka Uu Ku Barbaaray iyo Waxbarashadiisa

Farabi waxa uu ku dhashay Turkistan sanadkii 260 Hijriga, aabihii waxa uu ahaa Janaraal ciidanka dalkiisa ka tirsan, waxa uu aqoontiisa ku qaatay magaalooyinka Bukhaara iyo Baqdaad, waxa uu aad u barta aqoon farabadan oo ay ku jiraan cilmiga Luqadaha, falsafadda, music, caafimaadka iyo xisaabta, waxaanuu aqoonsi ku helay inuu ahaa caalim musician ah.

Caalimkan ayaa buugaagtii uu falsafadda ka qoray waxey waddo u noqotay dad badan oo ka dambeeyay, wax uu dhanka music ka alifay kitaabka la yiraahdo “Kitaabul aghanii”, waxa uu soo ikhtiraacay aalado badan oo music uu ku soo kordhiyay oo qofka maqla dhagihiisa aad u soo jiidanaya. Waxyaabihii la yaabka lahaa ee lagu arkay waxaa ka mid ahaa in music-ga uu dadka kaga qoslin jiray, kaga oohin jiray, haddii uu doonana uu ku seexin jiray!.

Caalimku wadamo badan ayuu u safray illaa ugu dambeyn uu kaga geeriyoodo magaalada Dimishiq isagoo 80-jir ah sanadkii 339 Hijiyah oo waafaqsaneyd 950-miilaadiga.

Taariikhyahanka Ibn Khallikan Muxuu Ka Yiri 70 Luqadood

Taariikhyahanka caanka ah ee Ibn Khallikan ayaa sheegaya in Farabi uu dhab ahaan ku hadli jiray 70 Luuqadood, waxaa ka mid ahaa; Turkiga, Iran, Greek iyo Carabiga, waxaana arrintaa u suuragaliyay joogitaankiisii Baqdaad oo markaa ahayd meel ay dhaqamo badan ku kulmaan.

Taariikhyahanku waxa kale oo uu tilmaamay in Farabi qeyb ka mid ah waqtigiisa uu ku bixiyey barashada luqadaha, markii uu Luqado badan ku fiicnaaday ayuu kadib u wareegay in cilmiga xikamadda iyo falsafadda.

-Caalimkan waxyaabihii laga soo gaaray waxaa ka mid ahaa inuu yiri sareedada nolosha waxey xiriir la leedahay caqliga, wacyiga iyo fikirka, waxa uu aaminsanaa in qofka jaahilka ah aanuu farxad helayn.

Si kastaba, arrintan ayaan wax lala yaabo ahayn, xilligan aan maanta noolnahay waxaa dunida jooga dad badan oo luqado tiro badan ku hadla, waxaa ka mid ah “Benny Lewis” oo aaminsan in 3-bilood oo kaliya lagu baran karo luqad kasta, waxaa kale oo dunita inagula nool dad yaqaanna 25 luuqadood. Markaa wax lala yaabo maaha  xilligii hore oo fahamka iyo xifdiga uu sida maanta ka xoog badnaa waxaa suuraggal ahayd in uu qofku barto 70 Luuqadood wax ka badan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close