WararkaWaxbarashada

Marin Badeedka Ugu Dheer Adduunka

Khubaro ka tirsan xarunta cilmi-baarista Ireland “United Technologies” oo kaashana xarunta cilmi-baarista India ee “IBM Research”, ayaa waxey dejiyen Algorithm goonni ah oo lagu hubinayo waddo badeedka suuraggalka ah ee ugu dheer Adduunka.

Waxey tilmaameen in waddo badeedka ugu dheer uu yahay safarka loogu kala goosho Pakistan iyo Ruushka iyadoo India lasii marayo, waxaa la jarayaa badweynta Atlantic ilaa Pacific, safarkan ayaa loo baahan yahay si uu ku suuraggalo in la helo markab awood badan oo ku qalabeysan aaladaha ugu casrisadaan ee ay isticmaalaan bad-maaxa adduunka.

Khubaradan ayaa waxey ogaadeen in safarka la jarayo badweyn iyo bado farabadan, Qaarado, uuna qaadanayo dhowr bilood, maraakiibta caadiga ah waxey jarayaan masaafo dhan 32-kun oo KM.

Marin badeedkan ayaa ah mid aad u dheer, waxaana adag in si dhab ah loo xisaabiyo Mathematically ahaan iyo Saynis ahaan labadaba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close