WararkaWaxbarashada

Rasmi: Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalladaha Waxbarashada oo Maanta Ka Bilowday Koonfurta Soomaaliya

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday gobollada kala duwan ee Koonfurta iyo dhexbartamaha Soomaaliya Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare iyo Dhexe ee ay sanad walba qaban-qaabiyaan dalladaha waxbarasho ee kala duwan.

Ustaad Cali Salaad Axmed ‘Cali Ubax’ oo ah Madaxa Kormeerka Daladda Waxbarashada ee Fenps Ayaa Maandeeq FM u xaqiijiyay in Maantay ay si rasmi ah ubilaabeen Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare iyo Dhexe:

“Waxaan maanta si rasmi ah u bilownnay imtixaanka shahaadiga ahaa ee dugisa Sare iyo Dhexe, marka laga reebo gobolka Hiiraan oo fatahaado ay ku dhufteen. gobollada kala duwan ee dalka Iskuulaadka daladda hoos yimaadda Imtixaanku wuu ka bilowday, sanadkan waxaa dugisga dhex u fariistay 18,540(Sideed iyo Tobon kun, shanboqol iyo Afartan) arday, halka dugsiga sare ay u fariisteen 4,630(Afar kun, Lixboqol iyo Soddon) arday.”

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan daladda Wabarashada ahliga ah ee FPNS oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in maanta ay si rasmi ah u bilaabeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugisga Sare, waxey noo sheegeen in dugisga dhexe ay dib u dhigeen, maadaama ay doonayaan iney fursad wanaagsan ay u helaan ardayda Dugsiga Sare.

Si kastaba, Intabadan Iskuullaadka Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka bilowday imtixaanka shahaadiga ahaa ee Dalladaha Waxbarashada oo gaaraya illaa dhowr iyo tobon dalladood oo ay hoos yimaaddaan inta badan Iskuullada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close