WararkaWaxbarashada

Sideed Ku Xasuusan Kartaa Weedhaha iyo Magacyada Aad Xifdiso?

Khubaro reer Yurub ah ayaa daaha ka rogay xiriirka ka dhexeeya shaqada jirka iyo xasuusta kalmado goonni ah oo aan garaneynno laakiin maskaxda ku dulwareegaya oo ay soo tuuri kari la’dahay.

Khubaradan oo ka kala socday Jaamacado kala duwan oo Yurub ah ayaa waxey baareen dhacdooyinka dadka xilliyada qaar ay la kulmaan ee dhanka xasuusta ah, shayga la garanayo gaar ahaan; magacyada iyo weedhaha la illoobo sida ugu wanaagsan ee lagu xasuusan karaa ay tahay shaqo jireed oo uu qofku qabto.

Khubaradan ayaa cilmi-baaris ay sameeyeen waxaa ka qaybgalay Labo kooxood, oo tan koowaad ay da’deedu u dhaxayso 67 ilaa 70 jir, halka kooxda Labaad ay da’doodu u dhaxayso 22 ilaa 23 sano jir, waxaa laga dalbaday iney xasuustaan erayada iyo magcayada dadka caan ah, fanaaniin, qoraa iyo siyaasiyiin, waxaa loogu daray weedho lagu xasuusinayey dadkaa caanka ah.

Cilmi-baarayaasha waxaa u caddaatay in marka ay dadka waaweyn ku jiraan qalabka jimicsiga ee lagu dulsocdo ay xasuustoodu aad u xooggan tahay, inta badanna waxyaabihii loo baahnaa ay xasuustaan, sidaa darteed; khubarada ayaa waxey isku xireen waxyaabo badan oo is biirsaday waxaaney ka soo saareen natiijo ah howlqabadka jirka laga sameeyo uu dhiirrigeliyo xasuusta, gaar ahaan marka shayga aad taqaanno ay maskaxdu xasuustiisa ay si degdeg ah u soo tuuri weydo.

Si kastaba, shaqada jirka laga qabto iyo jimicsiga ayaa ah dhiirrigeliyaha ugu wanaagsan ee xasuusta, gaar ahaan tan qofku uu yaqaanno ee laakiin maskaxdu si degdeg ah u soo tuuri kari waydo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close