WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Xaqiiqo oo Oohinta Ku Saabsan… Dumarku Sanadkii Cecelis Ahaan Waxey Ilmeeyaan 64-Jeer

Jariidada “donnamoderna” ee dalka Taliyaaniga ka soo baxda ayaa qortay warbixin ay kaga hadashay 5 xaqiiqo oo Oohinta ku saabsan inta badanna aaney dadku aqoon, dhab ahaan oohintu aadanaha oo kaliya kuma koobna, xayawaannadka qaar way ilmeeyaan, laakiin waxa lagu kala duwan yahay ayaa ah garaadka.

Joornaalka ayaa warbixintiisa ku sheegay iney jiraan xayawaanno badan oo ilmeeya oo nooca lafdhableyd ka tirsan, sida; daanyeerka chimpanzee-ka loo yaqaanno, maroodiga, madaxkutida iyo Eeyga.

Shaqada oohinta ee xayaanka ayaa ah in ay isha ka ilaaliso qalleylka. Laakiin aadanahu waxa uu kaga duwan yahay waxa uu ooyaa marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato, waxa aanuu u ooyaa si uu xaaladda naftiisa haysata uu u tilmaamo.

Xaqiiqada koowaad| Dumarka oo ragga ka oohin badan

Joornaalka ayaa sheegay in dumarku ay ragga ka oohin badan yihiin. Sida lagu ogaaday daraasad dalka Jarmalka ka soo baxday, inta jeer ee ay dumarku sanadkii ooyaan waa 30 ilaa 64 jeer, waxeyna oohintoodu badan tahay caadada ka hor iyo kadib.

Dhanka ragga waxey sanadkii ooyaan celcelis ahaan 6 ilaa 17 jeer.

Sida lagu ogaaday daraasad ay soo saartay Jaamacadda Tilburg, dalka ugu oohinta badan adduunka waa Mareykanka, waxaa ku xiga Jarmalka iyo Taliyaaniga, halka dadka dadkiisu ay ugu oohinta yaryihiin uu yahay dalak Shiinaha.

Xaqiiqada Labaad| Habdhiska Kiimikeed ee Oohinta oo Lagu kala duwan yahay

Habdhiska kiimikeed ee oohinta waa lagu kala duwan yahay, oohinta aasaasiga ah waa tan markasta isha laga helo ee qalleylka ka ilaalisa.

Illinta uu qofku iska keeni karo waa tan isha ka ilaalisa dhibaatada dibadda uga imaanaya sida; qiiqa iyo basasha oo kale.

Xaqiiqada Saddexaad| Ooohinta Jimaaca kadib

Joornaalku waxa uu sheegay in jimaaca labada qof ee is-qaba kadib ay dumarka la kulmaan xoogaa murugo ah ee keenta iney si aad ah u doonaan iney ooyaan, waxaa cilmi ahaan loo yaqaannaa “postcoital dysphoria“, xaqiiqo ahaan waa isbedel harmonic ah oo qofka ku dhacaya ee macnuhu maaha in dhibaato kale ay jirto.

Xaqiiqada Afaraad| Cusbada ayaa jirka looga eryaa

Yaxaaska waxa uu leeyahay xuub jilicsan oo isha gudiheeda ku yaalla waxa uu u soo muuqdaa sida inuu ilmaynayo oo kale, laakiin dhab ahaan ma ooyo. Halka nooc kale oo yaxaaska ka mid ah uu iskaga oohiyo si uu milixda jirkiisa uga eryo.

Xaqiiqada Shanaad| Daalka ayaa lagula dagaalamaa

Joornaalku waxa uu sheegay in oohintu qayb ka tahay xeeladaha daalka lagula dagaalamo, waxey jirka ka saartay dareenka cabursanaanta ah ee uu qofku dareemo.

Sida lagu sheegay daraasad Holland laga sameeyay, 60 qof oo film murugo badan la daawad siiyay ayaa khubaradii baaritaanku ay diiwaangeliyeen 28 qof oo ilmeysay, 90-daqiiqo kadib ayaa dadkii la wada baaray caafimaadkooda guud iyo nafsiyan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaa caddaatay in dadkii ooyay xaaladooda ay ka caafimaad bateen kuwii kale kana firfircooni bateen.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close