CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Da’da Dhakhtarku Macno Goonni ah Ayey Kuu Leedahay Marka Aad u Baahan Tahay Qalliin Degdeg ah

Daraasad ka soo baxday gudaha dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in Xirfadaha Qalliin ee Dhekhtarka ay sii kordhayso markasta oo da’diisu ay sii weyn naato, halka daraasaddan lagu beeniyay in kala duwanaanshiyo dhanka jinsiga ay saameyn ku leedahay.

Warbixin ay faafisay Jariidada “told HealthDay”, ayaa Dr. Yusuke Tsugawa oo ka tirsan Kulliyadda David Geffen ee culuumta caafimaadka ee raacsan Jaamacadda California uu sheegay dhimashada bukaanka qalliinka lagu sameeyo ay sii yaraaneyso markasta oo dhakhtarka da’diisu ay weyn tahay.

Daraasadda ayaa lagu baaray xaaladaha geerida muddo 30 cisho ah kadib marka bukaanka qalliin lagu sameeyo, mudada u dhaxaysay 2011 ilaa 2014.

Daraasaddan oo ahayd mid aad u sal ballaaran, ayaa waxaa ka qaybgalay 892-kun iyo 200 oo qof oo qalliino kala duwan lagu sameeyay, kuwaas oo ay qaleen 46 Kun oo dhakhtar qalliin ah.

Daraasaddan ayaa waxey daaha ka rogtay in 6.6% ay heerka geeridu tahay marka dhakhtarka ay da’diisu 40-jir ka yar tahay, 6.5% ay noqoneyso marka dhakhtarka da’diisu tahay Kontomeeyo, halka 6.4% ay noqoneyso marka dhakhtarka da’diisu Lixdan tahay, 6.3% ay tahay marka dhakhtarka uu Lixdan ka weyn yahay.

Marka aan dhanka nooca jinsiga ka fiirinno, heerka geerida waxey noqotay 6.4 marka dhakhtarka qalliinka uu yahay qof dumar ah, halka 6.5% ay geeridu tahay marka uu dhakhtku uu rag yahay, halkaa waxaa ka cad in dhakhaatiirta dumarka ay qalliinka kaga wanaagsan yihiin ragga.

Dr. Tsugawa ayaa waxa uu sheegay in danta daraasaddan aaney ahayn in dhakhaatiirta da’daweyn ay dadku ku raadsadaan, laakiin ay muhiimadeedu tahay in la kordhiyo tababarrada dhakhaatiirta da’dayar ay helaan si ay u helaan khibrad farabadan oo heerka geerida lagu yareyn karo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close