WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XFS oo Dib u Dhigtay Imtixaankii Shahaadiga ee Ardayda Magaalada Beledweyne

Wasaaradda Waxbarasahda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa dib ugu dhigtay Imtixaankii magaalada Beledweyn,  Fatahaadda webiga ee Magaalada ku dhuftay darteed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare C/raxmaan Daahir oo Wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in 1,400 oo arday oo degan magaalada Beledweyn dib loogu dhigay imtixaankii sanadkan:

“Illaa iyo hadda waxaan Imtixaanka dib ugu dhignay Magaaladda Beledweyne Ardaydii ka soo geli lahyed sababtoo ah waxaa ka dhacay Musiibo Suuraggalna maaha Imtixaan in aan ka qaadno sidaas darteen ayaana dib ugu dhignay, Waxaan sidoo kale dib ka soo sheegi doonnaa xiliga lagalayo Imtixaanka haddii Allah idmo”.

Si kastaba, Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhuftay daadad ka soo rogmaday Webiga Shabeelle oo gaaray inta badan magaalada dadkuna ay ka barakaceen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close