WararkaWaxbarashada

“Waxaa Loo Xafiday Si Loo Badbaadiyo Nolosha Qofka”… Ciddiyo Qaniinka oo Geeri Keeni Kara!

Abbo laba caruur ah dhalay ayaa naftiisa ku waayi gaaray caado uu la qabsaday oo ahayd ciddiyo qaniino, waxa uu ka qaaday caabuqa dhiigga kadib markii haragga jirkiisa ee cidada ku ag-yaalla uu iska qaniinay.

Sida ay qortay jariidada “Mirror”, Luke Hanoman bilowgii hore waxa uu dareemay wareer kadib markii uu iska qaniinay haragga cidiyaha ku ag-yaalla, isagoo markaa ku gudo jiray caadadiisa uu la qabsaday oo ah inuu ciddiyihiisa qaniino.

Muddo isbuuc ah gudaheed, ayaa wiilkan dhalinyaradaha ah ee 28-jirka ah uu isku arkay astaamaha cudur la mid ah hargab/duray, ma’aanuu ogeyn in caabuq uu ku faafayo dhiiggiisa.

Markii isbitaalka la geeyay 4-maalmood ayaa la jiifiyay oo dhakhaatiirtu xaaladdiisa ay si gaar ah ula socdeen maalin kasta 24-saacadoodba, waxeyna u sheegeen “In ajashiisa ay wax ka harsanaayeen.”

Luke waxa uu yiri: “Waxaan caado ka dhigtay inaana ciddiyahayga qaniino inta badan. Waxaa dhici karta inaan ahay qof dareen badan, maalin ayaan qaniinay harag dhinaca kaga yaalla ciddiyaha. Aad bay u xanuun badneyd, laakiin wax kale kuma fakarin.”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Maalintii oo dhan waan iska shaqaysanayay isbuucaas, waxaanse isku arkay astaamo la mid ah tan hargabka si tartiib-tariib ah ayeyna iigu sii kordhaysay.”

Luke jirkiisa oo dhan finan ayaa ka soo yaacay, arrintaas oo tilmaameysa in xanuunku uu ku sii faafayay jirkiisa.

Waxaa xusid mudan, Caabuqa dhiigga ee loo yaqaanno sepsis/septicemia inuu yahay cudur lagu naaneyso dilaaga aamusan aadna uu u khatar badan yahay, habdhiska difaaca jirka ayaa si dheeraad ah u shaqaynaya arrintaas oo dhankeeda keenaysa inuu yaraado dhiigga jirka xubnihiisa kala duwan gaarayaa. Haddii dawo la’aan uu qofku noqdo, waxaa uu keenayaa in xubno badan ay fariistaa kadibna uu qofku u geeriyoodo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close