JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dadka Ka Qalin Jabiya Kuwa Xabsiyada Ku Jira Ayaa Ka Akhlaaq Fiican.. Sababaha Ay Tahay In Loo Xiro Kulliyadaha Business-ka Lagu Barto

Jaamacad kasta oo Adduunka ku taalla waxaad arkaysaa in Kulliyadda Business-ka ay tahay tan ugu dhismo casrisan uguna qurux badan; sidaa darteed qaylo dhaankan shoogga wata ee lagu codsanayo in gebi ahaanba albaabada la iskugu dhufto waxey ahayd inuu ka soo yeero dad ku mudaaharaadsan oo ka careysan.

Laakiin dhaleecaynta xooggan ee Kulliyadahan loosoo jeedinayo waxa uu ka soo yeeray professor Martin Parker oo wax ka dhiga Kulliyada Business-ka kana tirsan Jamacadda Bristol ee gudaha dalka Ingiriiska ka dhisan, waxa uu qoray buug uu ugu magac daray “Shut Down the Business School” hala xiro Kulliyada Business-ka lagu barto.

Dhismaha aadka u quruxda badan waxaa uu cajabgeliyaa ardayga ku cusub, laakiin waxa uu ka tarjumaya weedh uu doonayo inuu gudbiyo horjoogaha Kulliyada oo ah iney Kulliyaddiisu tahay “Aalad nadiif ah oo dakhliga ka soo xarooda jeebka ardayga looga dhalifo faa’iido”, waa sida uu qoraaga hadalka u dhigay, maqaal dheer oo uu ku daabacay jariidada “The Guardian”.

Professor Martin waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in akhlaaqda qofka Masters degree ka wata  Business uu ka wanaagsan yahay qof lagu xiray xabsi ay ilaaladiisu yartahay, waa arrin lagu ogaaday daraasaad cilmi ah oo dalka Mareykanka laga sameeyay, waxa uu yiri: “Kulliyada Business-ka awood badan ayey leeyihiin, laakiin waa goob waasac ah oo fikradaha xeeladaysiga lagu barto.”; waxaa lagu dhiirrigeliyaa dhaqanka Faa’iidada degdegga ah iyo bakhaylnimada.

Kadib markii uu ka soo shaqaynayay muddo 20-sano ah, professor Parker waxa uu aaminsan yahay in xalka kaliya ee uu hayo ay tahay in gebi ahaanba albaabada la iskugu dhufto Kulliyadaha Business-ka lagu barto. Waxa uu aaminsan yahay in mu’asasaaska Business-ka lagu barto ee Waqooyiga Mareykanka ay wadadii ka lumeen.

Waxa uu farta ku fiiqay in Kulliyaduhu ay ka baabe’een gacanta horjoogayaashooda oo inta badan lacagta un dabasocda, professorrada dadka khamaareya waxey doonaan ayey u fududeeyaan, cilmi-baaryaasha waxay faafiyaan warqado aan macluumaad cusubi ku qorneyn oo cid akhrisaneysaa aaney jirin, ardayda Kulliyada ka qalinjabisaa waxay fishaan iney gaari doonaan meel sare lacagta waalidkoona si aad ah ayey u kharashgreeyaan, laakiin inta badan ma noqdaan maamulayaal gacansi waaweyn gacanta ku haya. Dhaliilaha la soo jeedinayo ayaa ah kuwo laga soo gudbinayo gudaha Kulliyadaha oo la tilmaamayo iney ka sii fogaanayaan waaqica dhabta ah ee nolosha dadka.

Mushkiladdu halkey ka taagan tahay

Professor Parker waxa uu aaminsan yahay in mushkiladda la iska indha tirayaa ay tahay in isbedel ballaaran lagu sameeyo Kulliyadaha oo ardayda la baro “Mas’uuliyadda” iyo “Akhlaaqda”. Loona baahan yahay in manhajka isbedel weyn lagu sameeyo, iyadoo gudaha Kulliyadda waxa qura ee xoogga lagu saaraa uu yahay maamulka mushkiladaha Suuqa.

Xalka qaraar ee miiska saaran

Macallinka Business-ka wax ka dhiga Parker waxa uu qabaa in Kulliyadahan gebi ahaaba albaabada la iskugu dhufto, waxaana uu codsanayaa in la helo waddo cusub oo looga fakaro maamulka gacansiga iyo howlaha Suuqa. Waxa uu leeyahay: “Haddii aan dooneyno dadka aan mas’uuliyadda u dooranaa iney mas’uuliyadda si wanaagsan u qaadaan, waa inaan joojinno inaan ardayo barno in hoggaamiyeyaasha Heroes-ka ah ay yihiin kuwa kaliya ee isbedellada waaweyn dhaliya, sababta ugu weyn ee Qawaaniinta cashuurta loo dhigto ayaa ah in la fahmo xeeladaha looga baxsan karo, in doonis cusub la abuuro waxa loola jeedo ayaa  ah Suuqayn.”

Si Kasta, Maqaalka oo aad u dheeraa waxa uu Professor Parker tilmaamayaa sida ardayda Kulliyadaha Business-ka bartaa ay uga aradan yihiin akhlaaqda, cid aan naftooda ahayn aaney wax asxaan ah u galeyn, si ay faa’iido ku gaaraanna ay cid kasta uga tallaabsan karaan, iyagoo aan eegin akhlaaq iyo maxaa bulshada u wanaagsan iyo maxaan aan u wanaagsaneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close