WararkaWaxbarashada

Muqdisho: 3000 oo Arday oo Ay Saameyn Ku Yeelatay Qishka Imtixaanka Dugsiga Sare oo Dibadda u Baxay

Qaar ka tirsan Iskuullaadka magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa degmada Dharkenley ayaa xoogaa shaqaaqo ah ay maanta ka dhacday, kadib markii ay arday ka mudaharaadeen oo ay ka biyo diideen imtixaankii maadada physics-ka oo dib loo dhigay.

Sababta imtixaanka loo baajiyey ayaa lagu sheegay in Qishka imtixaanka maadada uu dibadda ubaxay ardayda gacantooda uu ku dhacay, waxayna imtixaanka laga baajiyey ilaa 3000 kun oo arday oo wax ka bartay Iskuulaadka kala duwan oo hoostaga Dalladda Waxbarashada Ahliga ah ee FPNS ee gudaha magaalada Muqdisho.

Maamule aan la xiriirney oo noo diiday inaan magaciisa isticmaalno laakiin aad uga careysanaa dhacdadan ayaa noo sheegay: “Waxaan ogahay in Imtixaankii ay cilladi ka jirto, maalmahanba waxaa na soo gaareysay xan ah in imtixaankii uu dibadda u baxayo, ardaydii oo imtixaankii wadata ayaa macallimiinta ula imaaneysay si su’aalaha qaar looga garabsiiyo, markii imtixaanka la galana waaba isla su’aalihii oo waxba kaga bedelna. Shalay imtixaankii Juqraafiga waxa Qishkiisu uu ardayda u soo dhacay Siddeed saac(2:00pm) ee duhurnimo, waa la bedelay, hadana isla xalay waxaa u soo dhacay kii cusbaa ee lagu bedelay.”

Dhanka kale, Arday ka mid ah ardaydii Imtixaanka u fariistay maanta oo la yiraahdo Salmaan Axmed ayaa noo sheegay: “Imtixaankii Labaad maanta waa nalaga kansalay, qishkiisa shalay sideed saac ayaan helnay labada maadaba, berri waxaan geli doonnaa saddex maaddo, maadadii baaqatay ee Physics-ka iyo labada maaddo ee English iyo Chemistry”.

 Si kastaba, Mas’uuliyiinta dalladda waxbarashada Ahliga ah ee FPNS oo aan isku daynay inaan xiriirno ayaaney noo suuraggelin.

Ugu dambeyn, waxaa inta badan gobollada dalka Sabtidii ka bilowday imtixaankii shahaadiga ee dalladaha ee ka horreeya kan midaysan ee ay qaaddo Xukuumadda Federaalka oo sanadkan loo ballansan yahay 19-bishan May.

Maandeeq FM

Related Articles

Close