WararkaWaxbarashada

Qarniyo Badan Ayey Halxiraale Ahayd oo La Garan La’aa.. Siduu U Geeriyooday “Salah ad-Diin al-Ayyubi”?

 

Maxey ahayd sababtii uu u geeriyooday Salah ad-Diin al-Ayyubi,  oo sida aan ognahay caalamka Islaamka mideeyay Qarnigii 12aad, Qudusna ka xoreeyay gacanta Masiixiyiinta. Illaa iyo hadda waxaa lagu wareersanaa oo halxireele ahayd cudurkii uu sababtiisa u geeriyooday 800-sano ka hor.

Warbixin lagu faafiyay website-ka “LivescienceDr. Stephen Gluckman oo cilmiga caafimaadka ka dhiga Jaamacadda Pennsylvania, shirkii 25aad ee Clinicopathological Conference ee ka dhacay Jaamacadda Maryland ayaa yiri : “Cudurkii ku dhacay Salah ad-Diin waxa uu ahaa typhoid. Khubarada caafimaadka ayaa shirkooda sanadlaha ahaa waxey uga hadleen sababta ay u geeriyoodeen dadka ugu caansan Adduunka, dadkii hore loo soo bandhigay sababibihii ay u geeriyoodeen waxaa ka mid ahaa: Lenin, Darwin, Eleanor Roosevelt iyo Lincoln.

Laakiin Dr. Guluckman waxa uu tilmaamay in arrintan aan si dhab ah oo kama dambeys Loo caddayn karin, maxaa yeelay; marka la eego xilliga uu Salah ad-Diin noolaa oo aaney jirin aaladaha casriga ah ee cudurrada lagu baaro. Typhoid inuu u geeriyooday waxaa laga ogaaday astaamaha cudurkii uu u geeriyooday ee ay Taariikhyahannadu sheegeen 800-sano ka hor.

Salah ad-Diin Yusuf ibn Ayyub waxa uu ku dhashay Takriit gudaha dalka Ciraaq sanadkii 1138-miilaadiga, waxaana uu geeriyooday sanadkii 1193m. Waxa uu ahaa hoggaamiye ciidan oo mideeyay Masar, Shaam, Xijaas, Tuhaama, Yemen oo ahaa dhul aad u baallaaran, waxa uu hoos geeyay calanka dowladdii cabbaasiyiinta, waxa uu meesha ka saaray khilaafadii “Faadimiyiinta” la oranjiray oo taagneyd muddo 262-sano ah, waxa uu dagaallo farabadan la galay kiristankii isasoo abaabulay ee duulaanka ku soo qaaday dunida Islamaanka ee la oranjiray Saliibiyiinta,  dagaalkii ugu ba’naa ee uu lagalo waxa uu ahaa “Cayn al-Jaaluut” oo ku beegnayd  25 Rabiic al-Awal 583-h-July 4, 1187, waxa uu gacanta ku dhigay Qudus.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close