WararkaWaxbarashada

“Caraysane Gaajaysan”… Waa Eray Bixin Cusub oo Wax Ka Bedeshay Nolosha Dadka iyo Luqadda

Inaad carooto marka ay gaajo ku hayso waa caadifad dabiici ah oo aadanaha la soo gudboonaata, waa sida uu cilmigu caddeeynayo, rasimi ahaanna waxaa lagu daray Qaamuuska Luqadaha ee Adduunka eray bixin aarrintaa ka tarjumeysa.

Khubarada Cilmiga waxey u arkaan eraybixinta cusub ee “Hangry” oo ka kooban labada kalmadood ee kala ah “Hunger/gaajo” ah iyo “Angry/caro”, uu ka mid yahay eray bixinno salka ku haya xaqiiqo cilmi ah.

Sophie Medellin oo ah khabiir muxaadarooyin dhanka cunnada ah ka bixisa Kulliyada King’s College ee magaalada London ayaa waxey caddeysay, “In cilmi ahaan loo daahrogay xilli dheer ka hor in gaajada ay kiciso dareemaha qofka oo ay ka xanaajiso.”

Barnaamijka BBC radio 4 oo ay ka qaybgalaysay ayey ka dhex sheegtay: “Marka heerka sonkorta dhiigga hoos uga dhacdo, waxaa kor u kaca cortisol iyo adrenaline-ka jirka.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay in “Marka Glucose-ka ay maskaxda ku yaraato, waxaa nagu adkaaneysa inaan dareenkeenna xakameynno oo shay aan focus-ka saarno.”

Waxey farta ku fiiqday in eray bixinta “Hangry” markiisii hore uu ka soo ifbaxay dhanka Baraha-bulshada, waana isku darka labada kalmadood ee kala ah gaajo iyo caro.

Bishii Janaayo ayaa si rasmi ah loogu daray erayga “Hangry” qaamuuska Oxford English Dictionary.

Maandeeq FM

Related Articles

Close