WararkaWaxbarashada

Goobta Maskaxda ee “Akhriska” U Xilsaaran oo La Daahrogay

Culumada Neurologists-ka ee Jaamacadda Paris-Saclay ee dalka Faransiiska ayaa waxey daahrogeen goob goonni ah oo maskaxda ka tirsan oo mas’uul ka ah xirfadaha wax akhriska iyo awoodda waxbarashada, kana qayb ah sameysanka xasuusata waqtiga dheer.

Wargeyska cilmiga ah ee la yiraahdo “Journals” ayaa sheegaya in goobtan la helay ay xilliga caruurnimada tahay mid aad u jilicsan. Cilmi-baarayaashu waxey u bixiyen magaca “Visual word form area”.

Khubaradan ayaa waxey sameeyeen tijaabo ay ka qaybqaateen 10 canug oo da’doodu 6 jir tahay oo la geeyay fasalka koowaad ee Iskuulka, caruurtan ayaa laba bilood oo kasta waxaa laga qaadayay imtixaan dhanka aragga ah iyo mid kale oo dhanka xirfadaha akhriska ku saabsan.

Natiijada tijaabadan waxey muujisay in shaqada “Goobta akhriska” uu kordhay bilihii koowaad ee daraasadda, halka ay ardaydaasi noqdeen kuwo xasuusta kalmadaha iyo tirooyinka si ka wanaagsan markii hore, halka xasuustooda madooyinka, goobaha iyo wejiyada ay sidoodii horey ahayd.

Cilmi-baarayaashu waxey leeyihiin natiijadani waxey ku tusineysaa sababta waxbarashada looga bilaabo 6 ilaa 7 jir, “Haddii goobtaa wax akhris looga faa’idaysan waayo faaruq ayey noqotaa ama muhiimado kale ayaa buuxisa kolba hiwaayaadaha kala duwan ee uu ardaygu leeyahay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close