arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mayor-ka Cusub ee Magaalada Freiburg oo Doorashadii uu Ku Guuleystay Ilkihiisa Ku Waayay!

Duqa cusub ee magaalada Freiburg ee dalka Jarmalka ayaa waxaa weerar ku soo qaaday qof xilli uu u dabbaaldegayey guushii uu ka gaaray doorashooyinka.

 Martin Horn oo 33-jir ah ayaa waxa uu la dabbaaldegayey taageerayaashiisa iyo xubanaha ka qaybta ahaa ol’olihiisa doorashada. Dadka oo dhan ayuu salaamayey, qof ayaa si lama filaan ah  ugu soo booday oo wejiga ka feeray.

Natiijada nabarkaa lama filaanka ah ayaa noqday mid aad u dhibaato badan, sanka ayaa ka jabay, waxaana uu ku waayey qaar ka mid ah ilkihiisa.

Qofkii weerarka geystay oo boolisku ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaaday inuu dadka deegaanka ka mid ahaa, da’diisuna ay tahay 54-jir. sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen markii ninka la qabanayey wuxuu u ekaa qof caqli ahaan aan caafimaad qabin.

Martin isbitaalka ayaa isla markiiba loola cararay, waxa uu sheegay in dhacdadan aaney wax saameyn ah ku yeelan farxaddii uu dareemayey ee guusha uu gaaray, mar kale waxa uu u mahadceliyay dadkii doortay iyo dhakhaatiirtii daawaysay ee dhaawiciisa dhayeysay, waxa uu yiri: “Sanku wuu jabay, iligna waa jaban yahay, waa shay yar wax la sheeg sheego maaha.”

Martin Horn waxa uu bedelayaa Dieter Salomon oo u tartamayey xisbiga Green-ka oo muddo 16-sano ah ku fadhiyey kursiga mayor-ka Freiburg.

https://twitter.com/analysisnytimes/status/993417774050545666

Maandeeq FM

Related Articles

Close