arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ka Warran Haddii Aad Ganaax Ku Mutaysato Magacaaga oo Dheer Dartii.. Arrintan Ayaa Qabsatay Qoys Ku Safrayey Shirkadda Duulimaadka Thailand

Qoys safar ahaa ayaa lagu khasbay iney bixiyaan lacago dheeraad ah si ay ugu suuraggasho iney raacaan diyaaraddii ay ku qornaayeen, sababta oo ah magacyadooda oo dhaadheeraa darteed.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” Talaadadii shalay, qoyskan ayaa waxey tigidka diyaaradda hab electronic ah uga goostay shirkadda Duulimaadka Thailand, laakiin uma aaney suurraggalin in magacyadooda ay si dhammeystiran ugu buuxiyaan, form-ka la buuxinayay oo 25 xaraf ka badan aan aqbaleyn.

Aabaha qoyska oo isagu diiwaangelinta magacyada sameeyey ayaa ku khusbanaa inuu magacyada soo koobo si khaanadanaha buux buuxinta ay ugu sahlanaato.

Markii ay qoysku gaareen airport-ka ayaa waxaa is waafaqi weyday magacayda passports ay wataan iyo tigidkooda kuwii ku qornaa, shaqaalihii diiwaangelintu waxey u sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in magacyadooda la bedelo, adeeggaasna ay tahay iney lacago dheeraad ah ku bixiyaan.

Qoyska oo aan magacooda la shaacin, ayaa ku khasbanaaday iney bixiyaan 3000 THB lacagta Thailand ah oo u dhiganta $93.5(Sagaashan iyo saddex doolar iyo konton santi), si ay safarkooda usii wanaataan.

Shirkadda duulumaadka ayaa barteeda Facebook ku soo qortay: “Waan ka cudaddaaraneynaa khaladka dhacay, nimaadka tigidka loo jarto ee dhanka internet-ka ma ogola qoraal ka badan 25 xaraf magaca koowaad, sidoo kale khaanadda naaneysta qoyska marka tigidka la goosanayo.”

Tani maaha markii ugu horreysay ee shirkaddan duulimaadka Thailand ay kiciso mowjado muran ah oo saxaafaddu ay hadal hayso, bilowgii hore ee sanadkan ayey ahayd markii ay shirkaddu qaybta VIP ay u diidday dadka buurbuuran ee celceliska dhexdoodu ka weyn tahay 142cm, saabab ay ku sheegtay inaanuu u xirmeyn suunka ammaanka diyaaradda oo qiyaastiisa laga reebay dadka buurbuuran.

Maandeeq FM

Related Articles

Close