WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sidee Bay Ugu Suuraggaleysaa Qofka Caadiga ah Inuu Maalgashado Dahabka? 6 Waddo ee Dahabka Loo Maalgashado

Dahabka waxa uu leeyahay sumcad wanaagsan oo dhanka suuqa ah, waa asset hantida lagu kaydsado, gaar ahaan maalgashiga dahabka waa wadiiqo ku habboon qofka hanti badan leh oo doonaya inuu ka ilaashado saameynta sicirbararka iyo isbedbedel kasta oo dhanka suuqa ah oo imaan kara.

Dahabka qiimaha hantida ayuu kuu ilaalinayaa muddo dheer, sidaa darteed; la-taliyaasha dhaqaaluhu waxey ku taliyaan in qayb hantida ka mid ah iney dahab noqoto. Ulajeedadu ha noqoto mid maalgashi ah ama kaydin loogu talalagalay, inta badan waxaa lagu taliyaa inuu qayb ka haado maalgashigaaga, iyadoo waddooyinka daahbka loo maalgashado ay kala duwan tahay.

Sidee qofka caadiga ah uu u maalgashana karaa dahabka?

Waxaa jira Lix waddo oo kala gadisan oo qofku uu dahabka ku maalgashan karo, arrintu waxey ku xiran tahay wadada aad dooneyso, danta aad leedahay iyo khatarta aad u bareeri karto.

Waddooyinka ugu Wanaagsan ee Dahabka loo Maalgashado

Wadada Koowaad:

Wadada koowaad ee ugu qadiimsan waa tan dahabka lasoo iibsanayo noocyo kala duwan isagoo bullion ah, iyadoo ay jirto in ilaaladiisu ay dhib badan tahay ayaa hadana ay tahay wadada ugu fiican ee qiimihiisa lagu ilaalin karo.

Wadada Labaad:

Waa sanaadiiq maalgashi oo dahabka u gaar ah loona yaqaanno “EFTS” oo hab saami ah oo kale ah suuqa u yaalla oo laga helo suuqayada saamiga ee caalamka.

Wadada Saddexaad:

Waa lacagta dahabka laga sameeyo, waxaa soo hoos galay qiimeheeda oo lagu daray miisaanka iyo nooceeda farshaxan ee loo sameeyey, inta badan sicirkeedu uu ka sarreyaa kan caadiga ah ee dahabka.

Wadada Afaraad:

Heshiisyada wax is dhaafsiga ee dahabka, inta badan hab ay Bankiyada Dhexe ay  isticmaalaan si ay maalgashi ugu helaan kaydka dahabka ee u yaalla.

Wadada Shanaad:

Dahabka warqadda ah, waa mid ka mid ah waddooyinka waxtarka dhaqaale leh ee dahabka lagu iibsado, inta badan wey isku jaan go’an yihiin warqadda iyo qiimaha dahabka ee ay mataleyso.

Wadada Lixaad:

Shahaadooyinka dahabka, waa shahaado la soo saaro oo dahbkana bedel u ah, qofka maalgashada ee haystaa waxaa uu si fudud u iibsan karaa maalin kasta isagoo aan u baahan in dahabkii oo caadi ah uu soo iibsado, hadhow marka uu doono waxa uu u bedelan kara dahabkii caadiga ah qaybihiisa kala duwan.

Si kastaba, dadka qaar waxa ay doorbidaan in ay dahabka u soo iibsadaan isagoo habka qurxinta dumarka u diyaarsan ee silsilado iyo faraantiyo leh, laakiin taasi maaha wadada ugu habboon ee loo maalgashado dahabka sababo badan awgeed, waxaa ka mid ah in sicirka gobolka dahabka ah uu ku tiirsan yahay kolba habka loo qurxiyo iyo macdanta kale ee lagu daro, sidaa darteed; ma jiro xiriir ka dhexeeya dahabka iyo wax-soosaarkiisa kala duwan ee dahabka laga sameeyo. Sidaa darteed wadadan khatarteedu way badan tahay inaad qayb badan oo hantidaada ka mid inaad ku waydo waa suuraggal.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close