WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ee XFS oo Maanta La Wareegtay Xarunta Wasaaradda ee Degmada Hodan

 

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa maanta waxey si rasmi ah ula wareegtay xaruntii Wasaaradda ee Degmada Hodan oo muddo 30 ku dhow dib gacanteeda ugu soo laabatay.

Xarunta oo ku taallada xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ayaa Maamulka Degmadu waxey ku guuleysteen iney ka saaraan shacabkii mudada dheer ay howyga u ahayd ee ku jiray.

Sida ay qortay warbaahinta Dowaladda, guddoomiyaha degmada Maxamed Axmed ‘Cantoobo, ayaa xaruntan ku wareejiyay Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

“Dowlaadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud, kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybheeda kal duwan”, ayuu yiri Guddoomiye ‘Cantoobo’ oo hadal kooban jeediyey.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan oo isna hadal kooban jeediyey ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay guddoomiyaha iyo taliyaha ciidanka degmada Hodan, hadalkiisii waxaa ka mid ahaa:

“Saaka waa maalin cusub aad ayaan ugu faraxsanahay in hanti ka mid ah hantidii Wasaaradda in mar kale ay gacanta Wasaaradda ku soo laabatay, mahaddaa waxaa iska leh guddoomiyaha degmada Hodan iyo taliyaha saldhigga, labadiinnuba shaqo weyn ayaad qabateen, maanta ma sahlana in dad [muddo dheer] deganaa in meesha laga saaro, laakiin dadkaas iyaguna aad ayey u mahadsan yihiin iyaga waxey garteen in la gaaray waqtigii xarumaha dowaladda lasoo celin lahaa.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close