WararkaWaxbarashada

Arday Aragga La’ oo Deeq Waxbarasho Ka Helay K/Afirka & Kuwo Heer Jaamacadeed ah oo Dhawaan La Filayo

Arday aragga naafo ka ah ayaa deeq waxbarasho ka helay iskuul waxbarasho oo ku yaalla magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa ayaa dalkaasi gaaray.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA, ardaydan ayaa waxay Koonfur Africa gaareen habeenimadii Arbacada ay soo galeysay, waxaana halkaa ku soo dhaaweeyay qaar ka mid ah  Jaaliyadda iyo mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaalida ee dalkaas.

Abiikar Xuseen Bashiir oo ka tirsan maamulka Iskuulka dadka aragga la’ ee Al Bashiir ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ardaydani ay deeq waxbarasho ka heleen iskuulka Al-Nuur ee ku yaalla magaalda Durban, arrintaasna ay ka gacan siisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Ardayda deeqdan waxbarasho heshay oo kala ah, Maxamed Cabdullaahi Axmed, Maxamed Mukhtaar iyo Cabaas Maxamed, ayaa ka hadlay dareenkooda sida ay ugu faraxsan yihiin fursadda ay heleen, waxayna tilmaameen iney rajeynayanaan waxbarashada iney heer ka gaaraan, si ay bulshadooda wax ugu qabtaan.

Si kastaba, ardaydan ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee deeq waxbarasho ka hela dalka Koonfur Afrika, waxaa ku xigi doona arday kale oo deeq waxbarasho ah oo heer jaamacadeed ah oo dalkaas gaari doona xilliyada soo aaddan, waana sid uu sheegay Cabdi Xalane Xirsi oo ah u qaybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close