WararkaWaxbarashada

“Fiidmeertu” Waxay Dhulka Ku Noolayd 33-milyan oo Sano Ka Hor

Cilmi-baarayaal reer Belgian ah ayaa waxay daahrogeen dagalbaarka ugu qadiimsanaa ee laga helo Fiidmeerta dhagaha jiirka uga eeg, waa tan ugu badan dunida, waxaa la ogaaday in noocaa fiidmeerta/kibilliga ah uu noolaa 33-milyan oo sano ka hor!.

Xayaawaankan naasooleyda ah waxaa lafihiisa laga helay dagalbaar laga dhex helay qodaal dhulka oo waddo tareen loo sameynayay sagaashamaadkii oo loogu talagalay Brussels, laakiin cilmi-baarayaashu sanado badna waxay ku jireen baaritaan iyagoo ugu dambeyn daahroggan cusub soo bandhigay.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Terry Smith oo ka tirsanaa kooxda cilmi-baariska ee mac’hadka boqortooyada ee Sayniska inuu yiir: “Dagalbaarka aan ka helnay fiidmeertan xajmigeedu yar yahay, waxa uu ahaa ilkaheeda oo kala tagtagsan, qayb afkeeda ka mid ah iyo qeyb lafaheeda ah.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Qeyb ka mid ah fiidmeerta waxay jiritaankeeduu yahay dhowr kun oo sano ka hore, milyan iyo labo, laakiin maaha 33-milyan oo sano, sida xaaladdan aan hadda aragnay oo kale.”

Daahroggan cusub ayaa meesha ka saarey aragtidii hore ee culumada-sayniska uga aaminsanaa taariikhda feedmeertu ay ahayd 7 milyan oo sano ka hor.

Smith waxa uu leeyahay, cimriga dheer ee feedmeerta waxaa dhici karta inuu salka ku hayo iney tahay noolaha naasooleyda ah ee kaliya ee awooda inuu duulo, sidaas oo kale cid kale oo raashinka kula tartantaa aaney jirin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close